• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Tuesday, November 25, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamaddii Ciidamada iyo Dambiyada Culus ee Puntland

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
4 weeks ago
Reading Time: 2 mins read
Madaxweyne Deni
Share

Garoowe – Talaado, 28-ka Oktoobar 2025 – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray xeer Madaxweyne Lr. 09 oo ku taariikhaysan 28-da Oktoobar 2025, kaas oo lagu kala diray Maxkamaddii Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Puntland.

Wareegtada oo kasoo baxday Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid kadib cabashooyin taxane ah oo ku saabsan eedeymo la xiriira caddaalad-darro iyo musuqmaasuq ay soo gudbiyeen garsoorayaal iyo dad horey ugu xukun dhacay maxkamadda.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in talaabadan ay qayb ka tahay qorshe dib-u-habeyn ballaaran oo lagu hagaajinayo nidaamka garsoorka, xafiiska xeer-ilaalinta iyo maamulka cadaaladda guud ahaan Puntland, si loo xaqiijiyo hufnaan iyo isla xisaabtan dhab ah.

Inta lagu guda jiro dhismaha maxkamad cusub, go’aannada la xiriira dacwadaha dambiyada culus ayaa si ku-meel gaar ah u gaari doona Maxkamadaha Racfaanka Puntland, sida lagu caddeeyay xeerka uu madaxweynuhu saxiixay.

Sidoo kale, saraakiishii hore ee ka tirsanaa garsoorka maxkamadda ciidamada ayaa lagu amray inay dib ugu laabtaan talisyadoodii hore, halka Madaxweynaha uu ballanqaaday in dhawaan la soo magacaabi doono garsoor cusub oo hufan.

Sanadkii hore, Madaxweyne Deni ayaa shaqo joojin ku sameeyay qaar ka mid ah masuuliyiinta maxkamadda, kadib markii lagu eedeeyay khaladaad sharciyeed iyo eex lagu arkay go’aamo ay soo saareen.

Go’aankan cusub ayaa imaanaya xilli Puntland ay ku jirto marxalad dib-u-habeyn amni iyo siyaasadeed, iyadoo Madaxweynaha uu qorsheynayo isku shaandheyn lagu sameynayo golaha wasiirrada, agaasimayaasha guud iyo guddoomiyayaasha gobollada.

Siciid Cabdullaahi Deni

Share
Tags: Madaxweyne Deniwararka mantawararka somalia
Previous Post

degmada Balanbale Aabe iyo Wiilkiisa ayaa manta loo dilay aano qabiil darteed?

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Billad Sharaf Qaran ku maamuusay Madaxweynaha Jabuuti

Yasmin Jamal

Yasmin Jamal

Yasmiin waa qoraa si joogto ah Wararka24 uga qora wararka deg-dega ah ee marka tagan guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyo caalamka.

Related Posts

Baaritaan ku saabsan wararka sheegaya in 60 basaas shisheeye ay ka baxsadeen Soomaaliya

Baaritaan ku saabsan wararka sheegaya in 60 basaas shisheeye ay ka baxsadeen Soomaaliya

by Yasmin Jamal
November 18, 2025

Muqdisho – Wararka24: Waxaa sii kordhay doodda ku saabsan warar baraha bulshada ku faafay oo sheegaya in ilaa...

Trump oo riixaya in Sacuudiga la siiyo arrin ka careysiisay Israa’iil..

Trump oo riixaya in Sacuudiga la siiyo arrin ka careysiisay Israa’iil..

by Yasmin Jamal
November 18, 2025

Madaxweyne Donald Trump iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo ku kulmay Qasriga Boqortooyada ee Riyadh, Saudi Arabia,...

Farmaajo oo ku soo laabtay Muqdisho xilli siyaasadda dalka ay kulushahay..

Farmaajo oo ku soo laabtay Muqdisho xilli siyaasadda dalka ay kulushahay..

by Abdirahman Dahir
November 13, 2025

Muqdisho – Wararka24: Madaxweynaha hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo kasoo...

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu toogtay Cape Town..

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu toogtay Cape Town..

by Abdirahman Dahir
November 13, 2025

Kraaifontein – Wararka24: Warar cusub ayaa kasoo baxaya dil galinkii dambe ee shalay loogu geystay muwaadin Soomaaliyeed oo...

arimaha dastuurka

Maxa Ka Soobaxay Kulanki Arimaha Dastuurka oo ay wada yeshen DF iyo Mamul Gobaledyada..

by Ahmed Nour
November 12, 2025

Wasiirka wasaaradda caddaalada iyo arimaha dastuurka XFS, Mudane Hassan macalin maxamud ayaa manta kulan layeshay wasiiradda dastuurka maamul...

Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..

Dacwadii Saad Aljabri iyo Bin Salmaan oo gashay wajigii cusub..

by Abdirahman Dahir
November 10, 2025

Washington – Wararka24: Dacwadda u dhaxaysa dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya, Mohammed Bin Salmaan (MBS), iyo sarkaalkii hore ee sirdoonka...

Load More
Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Billad Sharaf Qaran ku maamuusay Madaxweynaha Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Billad Sharaf Qaran ku maamuusay Madaxweynaha Jabuuti

Soomaaliya waa inay ka gudubtaa nidaamka 4.5, MD xasan Sheekh.

Soomaaliya waa inay ka gudubtaa nidaamka 4.5, MD xasan Sheekh.

Fly Dubai oo joojisay dalabkii eVisa ee dadka u safraya Hargeysa

Fly Dubai oo joojisay dalabkii eVisa ee dadka u safraya Hargeysa

Recommended

Ciidanka Puntland

Ciidanka Puntland Oo Gacanta Ku Dhigay Xarun Tababarka Argagixisada Daacish.

4 months ago
War degdeg ah: Eliud Lagat oo Is-casilay, kadib dilki ojwang.

War degdeg ah: Eliud Lagat oo Is-casilay, kadib dilki ojwang.

5 months ago
Xassan sheekh

MD Xassan sheekh oo ka hadlay Sameynta Turkiga IYO Mareekanka

7 months ago
Puntland

Puntland oo DF ka codsaneysa soo celinta wada-shaqeynta, Maxa soo kordhay?

2 months ago
hawlgalka ciribtirka Daacish

Wararka Manta, Puntland oo Guulo Horleh kagaartay daacish+ Sawiro iyo Mesha ay wax marayaan

9 months ago
Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Oo Ka Jawaabay Hadalka Wasiir Fiqi

Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Oo Ka Jawaabay Hadalka Wasiir Fiqi

3 months ago
AUSSOM

Tirada Ciidamada, AUSSOM OO la Shaaciyey, itoobiya oo tiro kabadan MASAR Lasiiyey, + dalalkale

9 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.