• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Afrika

Xildhibaannada Soomaalida Itoobiya oo ka aamusay su’aalihii Ra’iisul Wasaaraha abiy axmed

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
11 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xildhibaannada Soomaalida Itoobiya oo ka aamusay su’aalihii Ra’iisul Wasaaraha abiy axmed
Share

Addis Ababa- (Wararka24)- 23 xildhibaan oo ku matala shacabka Deegaanka Soomaalida ayaa lagu dhaliilay inaysan maanta su’aal la xiriirta danaha deegaanka ka weydiin Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya abiy axmed ali intii uu socday kalfadhiga Golaha Wakiillada shacabka ee dalkaas.

Inkasta oo xildhibaanno badan oo ka kala socday deegaanada kale ay weydiiyeen su’aalo ku saabsan arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, haddana ma jirin hal xildhibaan oo Soomaali ah oo su’aal ka keenay arrimaha khayraadka dabiiciga ah ee deegaanka.

Dad badan oo ku sugan Deegaanka Soomaalida ayaa arrintan u arkay mid niyad-jabin ah, maadaama ay rumeysan yihiin in xildhibaannadu ka gaabiyeen difaacista danaha shacabka ay matalaan, gaar ahaan saamiga ay Soomaalidu ka helaan khayraadka shidaalka ee deegaanka.

Mid ka mid ah xildhibaannada Soomaalida ee fadhiyay kalfadhiga ayaa sheegay in nidaamka su’aalaha uu yahay mid kooban, islamarkaana la siiyo makarafoonka kaliya xildhibaanada codsiyadooda la aqbalo. Wuxuu xusay in xildhibaanadii Soomaalida aysan helin fursad ay su’aal ku weydiiyaan Ra’iisul Wasaaraha.

Arrintan ayaa dhalisay dood iyo su’aalo ka imaanaya shacabka deegaanka, kuwaas oo isweydiinaya sababta aan xildhibaannada Soomaalida looga maqlin hal cod oo ka hadlaya xuquuqda iyo saamiga ay ku leeyihiin khayraadka dabiiciga ah ee dhulkooda.

Arintan dad badan ayaa baraha bulshada ugu fal ciliyey, Carab Shugri Korme Ayaa yidhi Ayay matalaan hadii ayaana shacabkii ay ka soo baxeen ayna u hadlaynin waa yaabe

Abdinasir Dakane  ayaa isna yidhi Soo isaga hortooda Abiye ka lahaa Dire Dawa EPRDF ayaa Halkaa gaysaye waa Dhul Oromo, Aslanba Shuruudaha aynu xildhibaanada ku xulano ayaa ah Ka qayb gal la’aanta doodaha Masiiriga ah iyo Garab orodka kacaanka xilka haya kolba Xitaa haduu Cadaabta inoo wad.

Aden Mohamuod ayaa yidhi Waa arinta aan maanta dhan iswaydiinyay markaa meesha waxaa kacad inayna soomalidu matalaad hayzan


Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.