• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Cabdiraxmaan Cirro oo safar ugu baxay addis ababa, maxa cusub…

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
12 months ago
Reading Time: 3 mins read
Cabdiraxmaan Cirro oo safar ugu baxay addis ababa, maxa cusub...
Share

Hargeysa – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa Talaadadan safar rasmi ah ugu baxay dalka Itoobiya, iyadoo xukuumadda Somaliland ay sheegtay in safarku uu daaran yahay xoojinta saaxiibtinimada iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in booqashadan ay tahay mid lagu ballaadhinayo iskaashiga dhinacyada ganacsiga, isku socodka xamuulka, amniga, iyo horumar waara oo labada dal ay si wadajir ah u gaadhi karaan.

“Safarka Madaxweynaha Somaliland waa tallaabo loo qaaday dhinaca xoojinta saaxiibtinimada iyo iskaashiga labada dal,” ayaa lagu yidhi qoraalka ku qoran af Amxaari ee kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland bogga facebook.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in safarkani uu sahli doono fursado lagu falanqeeyo arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga gobolka iyo xaaladda Geeska Afrika, isla markaana uu “jiho cusub u yeeli doono isku xidhka Addis Ababa iyo Hargeysa.”

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in booqashadaasi aysan ahayn safar dowladeed oo keliya, balse ay xanbaarsan tahay “fariin ku saabsan xiriirka taariikhiga ah iyo dhismaha mustaqbal wadaag ah oo ku salaysan rajo iyo amni uu helo Geeska Afrika.”

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ku tago Itoobiya tan iyo markii uu xilka qabtay, waxaana uu kusoo beegmayaa iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu isna maalmahan ku sugan yahay magaalada Addis Ababa.

Xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay horraantii sanadkii hore, kadib markii ay kala saxeexdeen heshiis dhigaya in Itoobiya ay saldhig ciidan badeed ka hesho Gacanka Cadmeed, isla markaana ay aqoonsato Somaliland.

Hase yeeshee, heshiiskaasi ayaa dib u dhacay kadib markii Itoobiya cadaadis kala kulantay dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika, iyo Jaamacadda Carabta, taas oo keentay in Addis Ababa ay hoos u dhigto fulinta heshiiska, iyadoo arrintaasi wali ay taagan tahay.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.