• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Tuesday, October 14, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dagaal culus oo u dhaxeeya Puntland iyo Daacish oo Malinti labaad Socda, Maxa Cusub?

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 hours ago
Reading Time: 2 mins read
Dagaal culus
Share

Boosaaso – Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada ammaanka Puntland iyo kooxaha Daacish ayaa galay maalintiisii labaad, kadib markii saaka uu dib uga qarxay nawaaxiga deegaanka Kaadi-loho ee Ceelka Il-Abbal, buuraleyda Cal-Miskaad ee gobolka Bari, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland Talaadada, 14-ka Oktoobar 2025.

Dagaalka ayaa daba socda midkii shalay ka dhacay isla buuraleyda Cal-Miskaad, halkaas oo ciidamada Puntland ay ku wadaan howlgallo ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayo firxadka Daacish ee halkaas ku dhuumaaleysanaya. Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada ay isku dayayaan inay ka saaraan kooxahaas godod iyo ceelal ay kasoo weerarayaan.

War kasoo baxay howlgalka ciribtirka argagixisada ee “Hillaac” ayaa lagu sheegay in ciidanku ka saareen dagaalyahannada Daacish goobaha Ceelasha Baarakallaah iyo Shakaallo, halkaas oo ay horay ugu dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan kooxda.

Puntland ayaa sheegtay in ciidamadeedu dileen xubno Daacish ah, qaar kalena ay gacanta ku dhigeen, halka tiro kale weli lagu raadjoogo buuraleyda.

Howlgalka maanta socda ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen muwaadin u dhashay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Feyzul Xaashim Suleymaan, kadib hawlgal ay ka fuliyeen deegaanka Togga Baalade ee gobolka Bari. Qabashadan ayaa qayb ka ahayd wajiga afraad ee howlgalka Hillaac oo lagu bartilmaameedsanayo dagaalyahannada Daacish ee ku sugan Cal-Miskaad.

Sida ay saraakiishu sheegeen, Feyzul Xaashim waa muwaadinkii labaad ee Turkiga ee ay Puntland qabato muddo laba bilood gudahood, kadib markii Hassan Ataar, oo isna Turkiga u dhashay, la qabtay bishii Juun ee sanadkan.

Wararka ka imanaya laamaha amniga ayaa intaas ku daraya in weli la baadi-goobayo laba qof oo kale oo lagu magacaabo Emre Kemal Yılmaz iyo Aylin Derya Kaya, kuwaas oo la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan buuraleyda Cal-Miskaad.

Wararka ayaa tilmaamaya in howlgalka Hillaac uu yahay mid sii xoogeysanaya, iyadoo ciidamada Puntland ay ku dhow yihiin inay la wareegaan deegaanno muhiim ah oo hore ay Daacish u maamuli jirtay.


Share
Tags: Cal-Miskaad ee gobolka BariDagaal culuswararka manta
Previous Post

Xasan Sheekh oo sheegay in Itoobiya ay ku Saxan-tahay doonista marin-badeed..

Next Post

Cabdiweli Gaas oo la Wareegay Xil Sare oo loo Magacaabay…

Yasmin Jamal

Yasmin Jamal

Yasmiin waa qoraa si joogto ah Wararka24 uga qora wararka deg-dega ah ee marka tagan guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyo caalamka.

Related Posts

Cabdiraxmaan Cirro oo safar ugu baxay addis ababa, maxa cusub...

Cabdiraxmaan Cirro oo safar ugu baxay addis ababa, maxa cusub…

by Yasmin Jamal
October 14, 2025

Hargeysa – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa Talaadadan safar rasmi ah ugu baxay dalka Itoobiya, iyadoo...

Cali Jeyte

Cali Jeyte oo ka hadlay dilka horjooge Cali Qoyane..

by Yasmin Jamal
October 14, 2025

Beledweyne – Cali Jeyte Cismaan, la-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha macawiisleyda, ayaa sheegay in dilka horjoogihii Al-Shabaab Cali...

Xasan Sheekh

Xasan Sheekh oo sheegay in Itoobiya ay ku Saxan-tahay doonista marin-badeed..

by Yasmin Jamal
October 14, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in codsiga Itoobiya ee ku saabsan helitaanka marin badeed uu yahay...

Puntland

Puntland oo nin u dhashay turkiga gacanta kuso dhigtay..

by Yasmin Jamal
October 14, 2025

Boosaaso – Ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay muwaadin u dhashay Turkiga oo lagu magacaabo Feyzul Xaashim Suleymaan,...

LIVE: Wararka maanta

LIVE: Wararka maanta Wararka24 Gudaha soomalia iyo caalamka si toos ah 247

by Amran Mahad
October 14, 2025

Wararka maanta gudaha Soomaaliya iyo caalamka oo toos ah. Warar degdeg ah, faahfaahsan, iyo xog sugan oo ka...

148 Muwaadiniin

148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

by Wararka24 News Desk
October 10, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo...

Next Post
Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Cabdiweli Gaas oo la Wareegay Xil Sare oo loo Magacaabay...

Cali Jeyte

Cali Jeyte oo ka hadlay dilka horjooge Cali Qoyane..

Cabdiraxmaan Cirro oo safar ugu baxay addis ababa, maxa cusub...

Cabdiraxmaan Cirro oo safar ugu baxay addis ababa, maxa cusub...

Recommended

koonfurta Lubnaan Israa’iil ayaa sheegtay i

koonfurta Lubnaan Israa’iil ayaa sheegtay in gantaallo laga soo tuuray + faahfaahin

7 months ago
Donald Trump

DEGDEG: Donald Trump OO markale Ka Careeysiiyey YURUB, Goaan kale ee Manta Soobaxay+ kulanka congreeska dhalkaas ee manta

7 months ago
Newcastle United, Alexander Isak

Liverpool oo heshiis rikoor ah la gaartay Newcastle si ay u saxiixato Alexander Isak

1 month ago
Puntland ayaa

DG-Puntland Ayaa Shaacisay Tirada Qoysaska Ku Barakacay Dagaalka kadhanka Daacish

8 months ago
asad hajio

Asad Hajio aya shegay in dhalinyaro caan ah aysan danbe kasoo muuqan doonin youtubkisa + sababta?

8 months ago
Helista muwaadannimada British-ka

Waxa manta La adkeeyay Helista Muwaadannimada British-ka

8 months ago
Ganacsade caan ah oo lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo

Ganacsade caan ah oo lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo

4 weeks ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.