• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

Wararka24 News Desk by Wararka24 News Desk
12 months ago
Reading Time: 2 mins read
148 Muwaadiniin
Share

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daadgureeyay dalka Yemen, iyadoo kaashaneysa hay’adaha gargaarka caalamiga ah.

Muwaadiniintan oo isugu jira rag, dumar iyo carruur ayaa lagu soo celiyay diyaarad khaas ah oo si toos ah uga timid Yemen, kadib markii ay halkaas kala kulmeen xaalado nololeed oo adag.

Munaasabadda soo dhoweynta waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, kaas oo muwaadiniinta ku qaabilay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Dib-u-celinta waxaa si wadajir ah u fuliyay Guddiga Qaranka ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha (NCRI), Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM).

Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibban dalalka kale. “Waxaan ku faraxsanahay in aan maanta ku soo dhoweyno muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku dhibaateysnaa Yemen.

Dowladda waxay dammaanad qaadaysaa nolosha iyo daryeelka dadkaas inta ay si nabad ah ugu laabanayaan deegaannadooda,” ayuu yiri wasiirka.

Muwaadiniintan ayaa qayb ka ah Soomaalida sannadihii la soo dhaafay dhibaatada kala kulmay colaadaha iyo duruufaha adag ee ka taagan Yemen.

Bishii hore, dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale dalka dib ugu soo celisay 173 muwaadiniin oo laga sii daayay xabsiyada dalka Libya, kuwaas oo muddo dheer ku jiray xaalado adag. Dowladda ayaa ku guuleysatay dadaal dheer oo lagu soo badbaadiyay dhalinyaradaasi..


Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.