Muqdisho – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa markii ugu horreysay si cad uga hadlay arrimaha dhulka iyo dhacdadii ka dhacday saldhigga Wardhiigley, isagoo sheegay in dowladda hoose ay ka go’an tahay ilaalinta hantida shacabka iyo dhulka dowladeed.
Muungaab ayaa sidoo kale digniin u diray mucaaradka, isagoo sheegay in bannaanbaxyo lagu kiciyo fowdo aan la oggolaan doonin, wuxuuna yiri: “Saaxiibow, haddii aad shalay qori caaradii hal mar fursad ku heshay maanta kuu soo noqon mayso.”
Dhacdadani ayaa timid kadib markii hoggaamiyeyaasha mucaaradka lagu eedeeyay khalad siyaasadeed, ka dib markii ay isku dayeen inay gudaha u galaan saldhig boolis oo ku yaalla degmada Warta Nabadda.
Tallaabadaas ayaa la sheegay inay dhacday saacado kadib markii muuqaal baraha bulshada lagu faafiyay uu muujiyay askar boolis ah oo jirdilaya nin waayeel ah oo lagu magacaabo Sheekh Axmed Siicow.
Booliska ayaa sheegay in shanta askari ee lagu tuhunsan yahay falkaasi la xiray, halka mucaaradka lagu dhaliilay inay isku dayeen inay arrintaas u adeegsadaan siyaasad. Taliyaha booliska gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, ayaa xaqiijiyay in dacwad lagu soo oogay askarta, isagoo cambaareeyay isku daygii mucaaradka ee fowdada horseeday.
Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Fiqi, ayaa ku tilmaamay ficilka mucaaradka mid loogu adeegsanayo dano siyaasadeed, isagoo ku baaqay in hoggaamiyeyaashooda la horgeeyo sharciga.
Dhacdadan ayaa dhalisay dood weyn oo ku saabsan xasilloonida caasimadda iyo doorka mucaaradka, waxaana falanqeeyayaal ku tilmaameen arrin dhaawici karta sumcaddooda siyaasadeed. VIDEO HOOS KA DAAWO