Wararka24: Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye, ayaa qoraal toos ah u diray beesha caalamka, isagoo si adag uga horyimid aqoonsiga Somaliland, oo sanadihii dambe uu maamulka Hargeysa ku bixinayay dadaal badan.
SSC oo caalamka uga digtay aqoonsiga Somaliland ayaa ku tilmaamay in Somaliland u qalmin aqoonsi, maadaama uu sheegay in hal reer oo keliya uu maamulkaasi yahay, islamarkaana uusan buuxin karin hal shuruud oo dal lagu noqon karo.
“Somaliland waa hal reer oo gooni-goosad ah oo Isaaq ah, kamana taliyaan SSC iyo Maakhir oo taabacsan DFS. Waxaan u soo jeedinayaa caalamka in uu ixtiraamo midnimada Soomaaliya, taasoo ah xasilloonida Geeska Afrika,” ayuu yiri hoggaamiyaha SSC-Khaatumo.
Sidoo kale, Firdhiye ayaa sheegay in haddii aqoonsiga Somaliland Lasiiyo,

In ay Soomaali oo dhan u midoobeyso inay la dagaalanto Somaliland, sidaas darteedna ay xasiloonida Geeska Afrika ku jirto midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.
Firdhiye ayaa sidoo kale maamulka Somaliland ku eedeeyay taageerada kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish, inkasta oo uusan soo bandhigin wax caddeyn ah oo xaqiijinaya arrintaan.
SSC-Khaatumo, oo haatan ah maamul KMG ah oo ka taliya deegaanadii xooga looga saaray Somaliland, oo ugu horeyso Laascaanood, ayaa si weyn ula dirirsan Somaliland, oo weli sheegata dhulkii laga saaray.
- Dagaal culus oo maanta ka dhacay gobolka Sanaag una dhexeeya laba beelood
- Puntland oo faahfaahin ka bixisay edheeyma la xarira dhulka dowladda ee Boosaaso
- Xuutiyiinta Yemen oo laga cabsi qaba in ay qabsadhaan Bab El Mendab
- Mareykanka oo nin Soomaali ah ku warejiyay xabsiga Guantánamo Bay
- Askari si arxan darro ah loogu dilay Ceelbaraf kadib aano qabiil uu wax ka ogeen
Dagaal culus oo maanta ka dhacay gobolka Sanaag una dhexeeya laba beelood

ShareWararka24: Wararka ka imaanaya magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhexeeya laba beelood oo muddo ku dhow sannad iyo bar uu khilaaf ka dhexeyay Dagaalka ayaa la sheegay in la isku adeegsaday hub noocyo kala duwan ah, iyadoo madaafiic iyo hub culus laga maqlayay qaybo ka mid…
Puntland oo faahfaahin ka bixisay edheeyma la xarira dhulka dowladda ee Boosaaso

ShareWARARKA24: Puntland ayaa sheegtay in qorshaha lagu banneynayo xarumaha iyo dhulalka dowladda ee magaalada Boosaaso uu yahay mid loogu talagalay in hantida dowladda dib loogu soo celiyo gacanta dowladda, si loogu adeegsado danaha guud ee bulshada. Guddoomiyaha degmada Boosaaso, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali, ayaa sheegay in maamulka degmada uu muddo bilo ah waday qorshe lagu soo…
Xuutiyiinta Yemen oo laga cabsi qaba in ay qabsadhaan Bab El Mendab

ShareWARARKA24: Xuutiyiinta Yemen ayaa qabsaday magaalada dekedda leh ee Mocha, iyagoo si weyn ugu sii dhawaanaya marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Bab al-Mandab, xilli dagaallada Yemen ay dib uga soo cusboonaadeen kadib muddo dheer oo xasillooni ah. Talaabadhaan ayaa kordhisay walaaca laga qabo in dagaalku mar kale isu beddelo colaad ballaaran oo saameyn ku yeelata amniga…










