Wararka24: Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye, ayaa qoraal toos ah u diray beesha caalamka, isagoo si adag uga horyimid aqoonsiga Somaliland, oo sanadihii dambe uu maamulka Hargeysa ku bixinayay dadaal badan.
SSC oo caalamka uga digtay aqoonsiga Somaliland ayaa ku tilmaamay in Somaliland u qalmin aqoonsi, maadaama uu sheegay in hal reer oo keliya uu maamulkaasi yahay, islamarkaana uusan buuxin karin hal shuruud oo dal lagu noqon karo.
“Somaliland waa hal reer oo gooni-goosad ah oo Isaaq ah, kamana taliyaan SSC iyo Maakhir oo taabacsan DFS. Waxaan u soo jeedinayaa caalamka in uu ixtiraamo midnimada Soomaaliya, taasoo ah xasilloonida Geeska Afrika,” ayuu yiri hoggaamiyaha SSC-Khaatumo.
Sidoo kale, Firdhiye ayaa sheegay in haddii aqoonsiga Somaliland Lasiiyo,

In ay Soomaali oo dhan u midoobeyso inay la dagaalanto Somaliland, sidaas darteedna ay xasiloonida Geeska Afrika ku jirto midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.
Firdhiye ayaa sidoo kale maamulka Somaliland ku eedeeyay taageerada kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish, inkasta oo uusan soo bandhigin wax caddeyn ah oo xaqiijinaya arrintaan.
SSC-Khaatumo, oo haatan ah maamul KMG ah oo ka taliya deegaanadii xooga looga saaray Somaliland, oo ugu horeyso Laascaanood, ayaa si weyn ula dirirsan Somaliland, oo weli sheegata dhulkii laga saaray.
- Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya
- Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya
- Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow
- Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18
- Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed ayaa xiisad ka dhex abuuray Soomaaliya iyo Kenya, kaddib eedeymo la xiriira Laftagareen oo ku sugan Nairobi.
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro ayaa la sheegay inuu Brazil uga baxay Mareykanka kaddib guuldarradii doorashada, Washington-na fiise ayay siinaysaa.
Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil ayaa u muuqata mid aan cidna ku guuleysan, iyadoo garabka Netanyahu iyo kan Eisenkot ay isku dhow yihiin.












