Laascaanood – Xildhibaannada Baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa maanta si rasmi ah u doortay Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee maamulka, kadib doorasho ka dhacday magaalada Laascaanood.
Doorashada waxaa wareegii labaad ku tartamayay Firdhiye iyo Cabdirisaaq Khaliif, halka musharrax Jamaal Maxamed Xasan uu tartanka ka baxay codadkiisina uu si buuxda ugu wareejiyay Firdhiye. Ugu dambayn, Firdhiye ayaa helay 62 cod, halka Cabdirisaaq Khaliif uu ku ekaaday 18 cod.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari, Aadan Cabdullaahi Aw-Xassan, ayaa ku dhawaaqay natiijada isagoo caddeeyay in Firdhiye uu noqday Madaxweynaha rasmiga ah ee shanta sano ee soo socota. Isla goobta ayaa markiiba ka bilowday dabaal-degyo waaweyn, iyadoo taageerayaal badan ay si diirran ugu soo dhoweeyeen guushiisa.
Doorashadan waxaa si dhow ula socday Villa Somalia, iyadoo la sheegay in Firdhiye uu helay taageero muuqata oo ka timid xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee JSP. Guushiisu waxay calaamad u tahay dhammaadka marxaladihii dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari.
Dhanka kale, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo loo yaqaan Abwaan ayaa loo doortay Madaxweyne Ku-xigeenka cusub, isaga oo helay 65 cod. Xildhibaanadu waxay si aqlabiyad ah ugu ansixiyeen inuu noqdo ku-xigeenka Firdhiye, taasoo dhammaystirtay hoggaanka cusub ee maamulka.
Doorashadan waxay u dhigan tahay in Waqooyi Bari uu yeeshay hoggaan rasmi ah oo laga sugayo inuu dhiso hay’adaha dawliga ah, xoojiyo amniga, isla markaana hormuud u noqdo adeegyada bulshada. Bulshada deegaanka ayaa rajo weyn ka muujisay in hoggaankan cusub uu horseedi doono dowlad-goboleed hufan oo si dhab ah ugu adeega shacabka.