Wararka24: Ciidanka Puntland, oo ku sugan aagagga dhexe ee Buuraleyda Calmiskaad, ayaa maanta weerar xoogan ku qaaday maleeshiyada Daacish ee fariisimaha ku leh deegaanka Damdamle ee Gobolka Bari.

Ciidanka Puntland oo dagaal culus la galay Daacish ayaa sheegay in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi, maleeshiyadii ku sugneydna ay ka saareen. Taliska ayaa inta u dhaxeyso deegaanada Qurac iyo Damdamle ku soo bandhigay meydadka xubno ka tirsanaa maleeshiyada Daacish.
Xubnaha meydadkooda la soo bandhigay oo ajaaniib ahaa ayaa la sheegay in lagu dilay dagaalkii maanta. “Hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa maraya meel wanaagsan. Ciidamada ayaa xaqiijiyay guulo taariikhi ah,” ayuu ku waramay Raadiyaha Puntland.
Ciidanka Puntland ee fariisimaha ku leh bartamaha Tog-jaceyl ayaa isku dayaya in ay u tallaabaan galbeedka Calmiskaad,
Halkaas oo la fahamsan yahay in Daacish ay ku xoogan Yahiin, hawlgalka ciribtirka Daacish ee ka socdo Gobolka Bari ayaa maanta galay maalintii 51aad…
NISA oo sheegtay inay duqeyn ku dishay 12 xubnood oo Al-Shabaab ah

ShareWararka24: Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in 12 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Bur-Saruur ee gobolka Shabeellaha Dhexe. NISA ayaa sheegtay in howlgalka, oo ay hay’addu sheegtay inay ka qeyb qaateen saaxiibada caalamka, lagu bartilmaameedsaday goob ay ku urursanaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.…
Xamza Cabdi Barre oo sameeyay magacaabis cusub + sawiro

ShareWararka24: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa sameeyay magacaabis cusub oo lagu buuxinayo xilalka agaasimeyaasha guud ee laba wasaaradood oo ka tirsan dowladda federaalka. Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha ayaa Cabdullaahi Ibraahim Cabdi loogu magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, halka Axmed Yuusuf Cabdulle loo magacaabay Agaasimaha Guud…
Guddiga Shaqaalaha Rayidka oo hakiyay hannaankii tartanka furan

ShareWararka24: Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hakiyay shaqooyin la xayeysiiyay oo la xiriiray xilalka Agaasimeyaasha Waaxda Maamulka Shaqaalaha, kaddib qaraar uu Golaha Shacabka ku laalay hannaankii tartanka furan ee uu dhawaan amray Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre. Golaha Shacabka ayaa 23-kii Sebtembar ansixiyay qaraar uu ku laalay Xeer Lr. 132 iyo…









