Wararka24: Ciidanka Puntland, oo ku sugan aagagga dhexe ee Buuraleyda Calmiskaad, ayaa maanta weerar xoogan ku qaaday maleeshiyada Daacish ee fariisimaha ku leh deegaanka Damdamle ee Gobolka Bari.

Ciidanka Puntland oo dagaal culus la galay Daacish ayaa sheegay in ciidamadu ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi, maleeshiyadii ku sugneydna ay ka saareen. Taliska ayaa inta u dhaxeyso deegaanada Qurac iyo Damdamle ku soo bandhigay meydadka xubno ka tirsanaa maleeshiyada Daacish.
Xubnaha meydadkooda la soo bandhigay oo ajaaniib ahaa ayaa la sheegay in lagu dilay dagaalkii maanta. “Hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland ayaa maraya meel wanaagsan. Ciidamada ayaa xaqiijiyay guulo taariikhi ah,” ayuu ku waramay Raadiyaha Puntland.
Ciidanka Puntland ee fariisimaha ku leh bartamaha Tog-jaceyl ayaa isku dayaya in ay u tallaabaan galbeedka Calmiskaad,
Halkaas oo la fahamsan yahay in Daacish ay ku xoogan Yahiin, hawlgalka ciribtirka Daacish ee ka socdo Gobolka Bari ayaa maanta galay maalintii 51aad…
Wasiirada Ciyaaraha Puntland Oo Sheegtay Inaysan Tahriibin?
ShareWasiirada Ciyaaraha ee maamulka Puntland ayaa xaqiijisay inay haatan ku sugan tahay dalka Germany, iyadoo sheegtay in safarkeeda uu la xiriiro xaalad caafimaad. Bayaan ay soo saartay Wasiiradu, ayaa lagu caddeeyay in safarkeeda aanu ahayn mid tahriib ah, sida ay baraha bulshada qaar ku faafiyeen, balse uu ku saabsan yahay arrimo caafimaad oo ay u…
Dr. adan Musharraxii Garabka Firdhiye oo ku guulaystay GuddoomIyaha baarlamaanka GWB
ShareDr. Adan Cabdullahi Awxasan ayaa maanta ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Waqooyi-Bari, kadib doorasho xiiso badan oo ay si weyn isugu heysteen garabyada siyaasadda gobolka. Dr. Adan oo kasoo jeeda beesha Hawiye, Cayr, Fiqishini, ayaa ahaa musharrax si toos ah ay u taageerayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo garabka uu hoggaamiyo Madaxweyne Firdhiye. Guushiisa…