• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, October 11, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Mahad Salaad oo Mar Kale Loo Magacaabay Agaasimaha NISA

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
4 months ago
Reading Time: 2 mins read
Mahad Salaad
Share

Mahad Salaad

Muqdisho- Wararka24 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in Mahad Salaad uu mar kale noqonayo agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka ee NISA.

Magacaabista Mahad Salaad ayaa ku soo beegantay xilli dowladda federaalka ay ku hawlan tahay dib u habeynta hay’adaha amniga, iyadoo la filayo in isbeddelada cusubi ay saameyn weyn ku yeeshaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Ilo ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ay ku heshiiyeen in Mahad Salaad uu dib ugu soo laabto xafiiska uu hore u hayey, halka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe uu ka tanaasulayo jagada.

Mahad Salaad oo xildhibaan ka ah Golaha Shacabka ayaa hore u hoggaamin jiray hay’adda NISA, laakiin wuxuu ka tagay 2023-kii si uu ugu tartamo jagada madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, olole uu san ku guuleysan.

Kulammo Muhiim ah

Labadii maalmood ee la soo dhaafay, Mahad Salaad iyo Sanbaloolshe ayaa kulammo gaar gaar ah la yeeshay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, iyadoo la sheegayo in kulamadaasi ay ahaayeen kuwo lagu diyaarinayey isbedelka hoggaanka hay’adda.

Wararka ka imanaya xafiiska madaxtooyada ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu laba toddobaad ka hor u sheegay Sanbaloolshe go’aanka uu ka gaaray, laakiin Sanbaloolshe uu ka carooday isbedelka, gaar ahaan maadaama uu ka beddelayo ninkii isaga hore uga beddelay.

Dib u Habeynta Amniga

Tan iyo markii uu dib u soo laabtay xilka May 2022, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isbeddelo ku sameeyay hogaamiyeyaasha hay’adaha amniga oo ay ka mid yihiin taliyaha ciidanka, booliiska, asluubta iyo sirdoonka.

Khabarkaan ayaa ku soo beegmaya xilli mucaaradka siyaasadeed ay diyaarinayaan bayaano muhiim ah, iyadoo sida ay sheegeen khubarada amniga ay tahay in isbeddelada joogtada ah ee hay’adaha amniga ay fursad siinayaan kooxaha argagixisada.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Sanbaloolshe uu diyaarinayo safarro dibadeed ka hor inta uusan si rasmi ah uga wareejinin xilka mahad salad, iyadoo la filayo in dalka ugu horreeya ee uu booqan doono uu yahay Itoobiya.


Share
Tags: Agaasimaha nisaMadax weynaha Xasan SheekhMahad salaadSanbaloolshewararka somalia
Previous Post

Maxay DF ka-tiri Bayaanki kasoo baxay shirki Mucaaradka

Next Post

Fahad Yaasiin Hambalyo Lama Filan ah U Diray Mahad Salaad

Yasmin Jamal

Yasmin Jamal

Yasmiin waa qoraa si joogto ah Wararka24 uga qora wararka deg-dega ah ee marka tagan guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyo caalamka.

Related Posts

148 Muwaadiniin

148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

by Wararka24 News Desk
October 10, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo...

Kadib dilkii argagaxa

dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?

by Yasmin Jamal
October 10, 2025

Dhuusamareeb –Kadib dilkii argagaxa Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane...

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

by Yasmin Jamal
October 7, 2025

Muqdisho – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto...

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

by Yasmin Jamal
October 6, 2025

Nairobi – Puntland iyo Somaliland ayaa maanta ku gaaray magaalada Nairobi heshiis taariikhi ah oo ku saabsan iskaashi...

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

by Wararka24 News Desk
October 6, 2025

Muqdisho (Wararka24)– Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in caawa burbur ku soo dhammaadeen wadahadalladii u dhexeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan...

Dowladda Federaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo furtay 52 waddo oo ku yaalla Muqdisho

by Yasmin Jamal
October 4, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay maanta furto 52 waddo oo kala duwan oo ku...

Next Post
Fahad Yaasiin

Fahad Yaasiin Hambalyo Lama Filan ah U Diray Mahad Salaad

Farmaajo

Farmaajo oo Puntland iyo Jubbaland ugu Baaqay Fariin cajiib ah + Sababta

Washington post

Washington Post oo Ka Hadashay Qorshaha Trump ee Soomaaliya

Recommended

James Swan

QM oo James Swan u Magacawday Wakiilka Gaarka ah ee Soomaaliya

7 months ago
Xasan Sheekh

Xasan Sheekh ayaa ka hadlay Dagaalka kadhanka ah Daacish iyo Al Shabaab

8 months ago
General Morgan

Aaska Jeneral Morgan oo Dib u Dhacay Khilaaf jiro Awgeed

4 months ago
dekadaha Muqdisho

Dekadaha Muqdisho iyo Berbera oo loo aqoonsaday kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika?

2 weeks ago
Xiis Xarago: Nimcaan Hilaac wuxuu ka doorbiday baasaboor wiil aan udhalay

Xiis Xarago: Nimcaan Hilaac wuxuu ka doorbiday baasaboor wiil aan udhalay

2 months ago
Degdeg

Beledweyne: 24 Sac kadib Waxa la soo afjaray weerarki hotel qaahira + Faahfaahinta Qasaaraha?

7 months ago
soomalia

LIVE: Wararka maanta soomalia, DF ayaa qaadatay in Jubbaland cusub la sameeyo..

17 hours ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.