• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Tuesday, September 29, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Mahad Salaad oo Mar Kale Loo Magacaabay Agaasimaha NISA

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
1 year ago
Reading Time: 3 mins read
Mahad Salaad
Share

Mahad Salaad

Muqdisho- Wararka24 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay in Mahad Salaad uu mar kale noqonayo agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka ee NISA.

Magacaabista Mahad Salaad ayaa ku soo beegantay xilli dowladda federaalka ay ku hawlan tahay dib u habeynta hay’adaha amniga, iyadoo la filayo in isbeddelada cusubi ay saameyn weyn ku yeeshaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Ilo ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ay ku heshiiyeen in Mahad Salaad uu dib ugu soo laabto xafiiska uu hore u hayey, halka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe uu ka tanaasulayo jagada.

Mahad Salaad oo xildhibaan ka ah Golaha Shacabka ayaa hore u hoggaamin jiray hay’adda NISA, laakiin wuxuu ka tagay 2023-kii si uu ugu tartamo jagada madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, olole uu san ku guuleysan.

Kulammo Muhiim ah

Labadii maalmood ee la soo dhaafay, Mahad Salaad iyo Sanbaloolshe ayaa kulammo gaar gaar ah la yeeshay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, iyadoo la sheegayo in kulamadaasi ay ahaayeen kuwo lagu diyaarinayey isbedelka hoggaanka hay’adda.

Wararka ka imanaya xafiiska madaxtooyada ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu laba toddobaad ka hor u sheegay Sanbaloolshe go’aanka uu ka gaaray, laakiin Sanbaloolshe uu ka carooday isbedelka, gaar ahaan maadaama uu ka beddelayo ninkii isaga hore uga beddelay.

Dib u Habeynta Amniga

Tan iyo markii uu dib u soo laabtay xilka May 2022, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isbeddelo ku sameeyay hogaamiyeyaasha hay’adaha amniga oo ay ka mid yihiin taliyaha ciidanka, booliiska, asluubta iyo sirdoonka.

Khabarkaan ayaa ku soo beegmaya xilli mucaaradka siyaasadeed ay diyaarinayaan bayaano muhiim ah, iyadoo sida ay sheegeen khubarada amniga ay tahay in isbeddelada joogtada ah ee hay’adaha amniga ay fursad siinayaan kooxaha argagixisada.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Sanbaloolshe uu diyaarinayo safarro dibadeed ka hor inta uusan si rasmi ah uga wareejinin xilka mahad salad, iyadoo la filayo in dalka ugu horreeya ee uu booqan doono uu yahay Itoobiya.


Share

Recommended

Kenya oo qorsheynaysa inay kordhiso ciidamada ka jooga xadka Soomaaliya iyo sababta

Kenya oo qorsheynaysa inay kordhiso ciidamada ka jooga xadka Soomaaliya iyo sababta

2 months ago
IGAD oo ku baaqday sii wadista wada-hadallada siyaasadeed ee Soomaaliya

IGAD oo ku baaqday sii wadista wada-hadallada siyaasadeed ee Soomaaliya

5 months ago
Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay duleedka Baydhaba

Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay duleedka Baydhaba

6 months ago
Hirshabelle

DF Ayaa furimaha Hirshabelle Udirtay ciidamo Ay kaso qaaday Kismaayo?

2 years ago
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay wafdi sare oo ka socday Imaaraadka Carabta

2 years ago
NISA oo sheegtay dilka horjooge iyo 28 xubnood oo Al-Shabaab ah

NISA oo sheegtay dilka horjooge iyo 28 xubnood oo Al-Shabaab ah

4 months ago
Afhayeenka Lafta-gareen oo baaq midnimo u diray shacabka Koonfur Galbeed

Afhayeenka Lafta-gareen oo baaq midnimo u diray shacabka Koonfur Galbeed

6 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.