• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Tuesday, September 29, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Agaasimaha NISA Sanbaloolshe oo Muqdisho ku Soo Laabtay iyo Kulan Muhiim ah, Faahfahin?

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
1 year ago
Reading Time: 3 mins read
Sanbaloolshe
Share

Sanbaloolshe

Muqdisho – Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka, ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho ka dib markii uu muddo ku maqnaa gobolka Hiiraan.

Soo noqoshada Sanbaloolshe ayaa ku soo beegantay xilli la filayo in uu kulan la yeesho Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 24-ka saacadood ee soo socda, sida ay sheegeen ilo ku dhow dhow xafiiska madaxtooyada.

Waxqabadkiisa Gobolka Hiiraan

Sanbaloolshe wuxuu ku hawlanaa degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan halkaas oo uu ka wadey abaabulka ciidamada Macawiisleyda iyo xoojinta horganka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ku firirsan deegaankaas.

Agaasimaha ayaa si gaar ah uga shaqeynayey sidii loo adkeeyn lahaa difaaca deegaanada ay daganaayeen beeshiisa, iyadoo la xoojinayo iskaashiga ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda.

Kulan-ka la Sugayo ee Agaasimaha NISA Sanbaloolshe iyo Madaxweyne xassan sheekh

Wararka ka imanaya ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kulanka dhexmari doona Madaxweynaha iyo Agaasimaha NISA uu yahay mid muhiim ah. Waxa la filayaa in kulanka laga wada hadlo arrimo xasaasi ah oo ku saabsan mustaqbalka hay’adda iyo masiirka Sanbaloolshe laftiisa.

Ilaha qaar ayaa tilmaamaya in Sanbaloolshe uu diyaar u yahay in uu ka tanaasulo xilka haddii aan laga gaarin heshiis ku saabsan qodobbo muhiim ah oo uu ka qabo hoggaanka hay’adda.

Hay’adda NISA ayaa waxaa soo food saaray xaalad adag oo maamul labadii toddobaad ee la soo dhaafay. Xilligan waxaa hay’adda ka shaqeynayey laba agaasime oo kala ah Sanbaloolshe oo gobolka Hiiraan ka maamulayey hawlaha ammaanka, iyo Mahad Salaad oo xafiiska dhexe ee hay’adda ka hawl galayey.

Xaaladdan oo laga yaabo in ay keento jahwareer maamul ayaa waxaa sii xoojinaya su’aalo la xiriira mustaqbalka hoggaanka hay’adda muhiimka ah ee ilaalinta amniga qaranka.

Saameynta Siyaasadeed

Waqtiga ay dhacayso arrintan ayaa ahmiyad gaar ah leh, maadaama ay ku soo beegantay xilli mucaaridka siyaasadda Soomaaliya ay diyaarinayaan bayaano muhiim ah. Qorshaha Villa Somalia iyo waxay ku soo aadan doonaan kulankan ayaa la filayaa in ay saameyn weyn ku yeeshaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Khabarka ka soo bixi doona shirka ayaa sidoo kale muhiim u ah sidii loo sii wadi lahaa howlaha ammaanka ee dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo sidii loo ilaalin lahaa sugnaanta hay’adaha amniga.


Share

Recommended

Kenya oo qorsheynaysa inay kordhiso ciidamada ka jooga xadka Soomaaliya iyo sababta

Kenya oo qorsheynaysa inay kordhiso ciidamada ka jooga xadka Soomaaliya iyo sababta

2 months ago
IGAD oo ku baaqday sii wadista wada-hadallada siyaasadeed ee Soomaaliya

IGAD oo ku baaqday sii wadista wada-hadallada siyaasadeed ee Soomaaliya

5 months ago
Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay duleedka Baydhaba

Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhacay duleedka Baydhaba

6 months ago
Hirshabelle

DF Ayaa furimaha Hirshabelle Udirtay ciidamo Ay kaso qaaday Kismaayo?

2 years ago
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay wafdi sare oo ka socday Imaaraadka Carabta

2 years ago
NISA oo sheegtay dilka horjooge iyo 28 xubnood oo Al-Shabaab ah

NISA oo sheegtay dilka horjooge iyo 28 xubnood oo Al-Shabaab ah

4 months ago
Afhayeenka Lafta-gareen oo baaq midnimo u diray shacabka Koonfur Galbeed

Afhayeenka Lafta-gareen oo baaq midnimo u diray shacabka Koonfur Galbeed

6 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.