
Dowladda Mareykanka ayaa cadaadis siyaasadeed oo cusub ku saartay Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, iyaga oo ka digay in taageerada milatari iyo mid siyaasadeedba ay halis gali karto haddii aan la joojin dagaalka ba’an ee ka socda marinka Gaza.
Warar ay heleen ilo-wareedyo diblomaasi ah ayaa sheegaya in saraakiil sare oo Mareeykan ah ay si cad ugu sheegeen Netanyahu in sii wadidda duqeymaha Gaza ay dhaawacayso xiriirka labada dhinac, gaar ahaan marka laga eego dhinaca taageerada shacabka Mareykanka oo si isa soo taraysa uga soo horjeeda howlgalka Israel.
Waxaa sidoo kale jirta in Madaxweyne ku-xigeenka US, JD Vance, uu si lama filaan ah u baajiyay booqasho rasmi ah oo uu ku tegi lahaa Israel, taasoo loo fasiray inay tahay fariin cadaadis ah oo ku wajahan Tel Aviv.
Dhanka kale, Mareykanka ayaa Israel ka dalbaday in si degdeh ah gargaar bani’aadanimo loo oggolaado shacabka reer Gaza iyadoo aan lagu xirayn wax shuruudo ah. Warar dheeraad ah ayaa sheegaya in Israel aqbashay codsigaas si ay u yareyso cadaadiska caalamiga ah ee ka imaanaya.
Isbeddelkan siyaasadeed ayaa loo arkaa mid muujinaya in Mareykanka uu dib u eegayo doorkiisa ku aaddan khilaafka Bariga Dhexe, gaar ahaan haddii uu sii socdo falcelinta caalamka ee ku wajahan colaadda Gaza.
Mareykanka oo ah saaxiib dhow la ahaa Israel ah ayaa haddana wajahaya cadaadis gudaha ah oo ku aaddan doorkiisa dagalka ka socda Gaza ee hubka la siiyo Israel, taasoo keentay in dib loo qiimeeyo siyaasadda taageerada lasiiyo netenyahu.