• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Axmed Madoobe oo Abaabul Siyaasadeed Ka Bilaabay Nairobi

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
1 year ago
Reading Time: 2 mins read
Axmed Madoobe
Share

Axmed Madoobe

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa magaalada Nairobi ka bilaabay abaabul siyaasadeed oo culus, kaas oo lagu sheegay inuu yahay mid ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Axmed uu kulamo gaar ah la yeeshay xubno ka tirsan dowladda Kenya, safiirro reer Galbeed ah, iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo mucaarad ku ah dowladda Federaalka.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga siyaasadeed ee ka dhanka ah Villa Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale la kulmay xildhibaanno Soomaaliyeed oo ku sugan Kenya, isagoo uga mahadceliyay taageeradooda, kana warbixiyay xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland iyo khilaafka uu kala dhexeeyo dowladda dhexe.

Warar kale oo soo baxaya ayaa tilmaamaya in Axmed Madoobe uu qorsheynayo safar uu ku tagi doono Imaaraatka Carabta, si uu halkaas uga raadsado taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo uu ku xoojiyo mowqifkiisa.

Abaabulka siyaasadeed ee uu wado Axmed Madoobe ayaa ku soo beegmaya xilli khilaaf siyaasadeed uu ka taagan yahay dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo dib u eegista dastuurka.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaan ka qayb galin shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka, taasoo cabsi ka abuurtay burbur ku yimaada nidaamka federaalka.

Axmed Madoobe ayaa si cad u dhaliilay dowladda Federaalka, isagoo ku eedeeyay inay wado qorshe lagu wiiqayo awoodda maamul goboleedyada. Wuxuu sheegay in arrintaasi ay khatar weyn ku tahay midnimada dalka iyo nidaamka federaalka.

Ilaa hadda, dowladda Federaalka kama aysan hadlin safarka Axmed Madoobe iyo kulamada uu ka wado Nairobi, balse arrintan ayaa la filayaa inay sii kiciso xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa labada dhinac.


Share

Recommended

ruushka iyo Mareekanka ay

Mareykanka iyo Ruushka oo Marki ugu horeysay mudo 4 sano Ah Shir Uga Furmay Dalka Sacuudiga..

2 years ago
Siyaasadeed

Urur siyaasadeed cusub oo caawa looga dhawaqayo mogadishu.

1 year ago
DF oo ku dhawaaqday in magaca “madaxweyne” loo isticmaali doonin madaxda dowlad-goboleedyada

DF oo ku dhawaaqday in magaca “madaxweyne” loo isticmaali doonin madaxda dowlad-goboleedyada

3 months ago
Wiilka Museveni oo sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Iran iyo Israa’iil

Wiilka Museveni oo sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Iran iyo Israa’iil

6 months ago
Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana

Midowga Yurub oo Qaaday talaabo kacareysiisay Mareykankana. maxay tahay?

2 years ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
SSC-Khatumo

SSC-Khatumo oo Qabtay Shabakad dadka Tahriibin jirtay,+ Xogta

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.