Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa la filayaa in loo magacabo xil sare oo kale oo ka tirsan dowladda federaalka, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.
Fiqi ayaa Isniintii, 23-ka Noofembar, xilka wasiirka gaashaandhigga ka qaaday Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana xilkaas loo magacaabay xildhibaan Saadaq Cumar Maxamed Xasan (Saadaq Joon).
Ilo siyaasaded oo ku lug leh wadahadalo ka socda Muqdisho ayaa sheegay in Fiqi loo badinayo xilka Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada.
Haddii arrintaasi dhacdo, wuxuu xilkaas ka bedeli doonaa Abshir Bukhaari, oo hadda haya.
Ilaha ayaa sheegay in isbeddelkan uu la xiriiro isu dheelli tirka awood qeybsiga golaha wasiirrada, kadib magacaabista Saadaq Joon.
Xilka labaad ee Fiqi loo tixgelinayo ayaa ah La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha.
Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ama Fiqi laftiisa oo ku saabsan arrintan.
Wuxuu sannadihii 2010 ilaa 2011 ahaa safiirka Soomaaliya ee Suudaan, kadibna wuxuu 2011 ilaa 2013 madax ka ahaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA).
Sannadkii 2016 wuxuu xubin ka noqday Golaha Shacabka, halka uu 2020 ilaa 2021 ahaa Wasiirka Amniga Gudaha ee Galmudug.
Xukumadda Xamza, wuxuu kala qabtay xilalka Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Gashaandhigga.
Xilka ka qaadistiisa ayaa timid isla maalintii uu shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, kaas oo uu ku sheegay in dowladdu qoranayso in ka badan 20,000 oo askari oo cusub.
Qorshahaas ayaa la xiriira u diyaar garowga ciidamada dowladda ee la wareegidda mas’uuliyadda amniga, xilli ciidamada Uganda ay bilaabeen inay dalka ka baxaan.









