Madaxtoyada Somaaliya ayaa benisay warar sheegayay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu oggolaaday in Uganda ay dhex dhexadiso dowladda federalka iyo mucaradka.
Wararkas ayaa soo baxay kadib kulan Isniinti, 23-ka N3ofembar, uu Xasan Sheekh kula qaatay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, Aqalka Madaxtooyada ee Entebbe.
Sarkaal sare oo ka tirsan Villa Somalia, oo codsaday in magaciisa la qariyo, ayaa sheegay in madaxweynuhu horey u diiday dhex dhexadin shisheye, uusanna marnaba aqbali doonin in Museveni ama Uganda ay dhex dhexaadiyaan.
Sarkaalka ayaa intaa ku daray in war saxafadedka wadajirka ah ee labada madaxweyne aysan ku jirin erayga “mucaarad” ama wax dhex dhexaadin ah.
Wuxuu sidoo kale sheegay in qoralka uu Museveni soo dhigay barta X uusan ka mid ahayn qoraal ay labada dhinac ku heshiiyeen.
Museveni ayaa qoraalkisa ku sheegay inuu Entebbe ku soo dhaweeyay Xasan Sheekh, ayna ka wada hadleen dadallada nabadda Somaliya iyo dhisidda hay’adaha dowladda.
Sida uu sheegay sarkalka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda, Adonia Ayebare, ayaa laga yabaa inuu u safro Muqdisho si uu hoggamiyeyasha mucaradka ugu dhiirrigeliyo inay si toos ah ula hadlaan madaxweynaha, balse Uganda dhex dhexaadin ma sameyn doonto.
War saxaafadeedka wadajirka ah ayaa diiradda saray iskaashiga amniga iyo ganacsiga labada dal.
Wuxuu ku baaqay in ciidamada Somaliya iyo kuwa Midowga Afrika ay xoojiyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana la helo hab lagu maalgeliyo ciidamada Uganda ee ku jira heshiiska laba geesoodka ah.
Sidoo kale wuxuu ku baaqay in dowladda federaalka, dowlad goboledyada iyo kooxaha kale ay ku dadaalaan dib u heshiisiin iyo hagaajinta maamulka.
Museveni ayaa aqbalay martiqaad uu ku boqanayo Muqdisho, waqtiga boqashadana waxaa lagu go’aamin doonaa wadiiqooyinka diblomasiyadda.
Warbaahinta u janjeerta mucaaradka iyo isticmaaleyaal badan oo baraha bulshada ah ayaa ku dooday in war saxaafadeedka iyo qoraalka Museveni ay muujinayaan heshiis dhex dhexaadin shisheeye.
Lataliyihii hore ee amniga qaranka, Xuseen Sheekh Cali, ayaa barta X ku qoray “Mar kale Kampala?”
Wuxuu arrintaas la xiriiriyay Heshiiskii Kampala ee 2011, isagoo sheegay in hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay 15 sano ku guuldareysteen inay khilaafaadkooda gudaha ku xalliyaan.
Heshiskii Kampala, oo la saxiixay bishii Juun 2011, ayaa dib u dhigay doorashooyinka, waxaana dammaanad qaaday Museveni. Heshiiskaas ayaa keenay is casilaadda Ra’iisul Wasaarihii xilligaas, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Muranku wuxuu yimid xilli uu dalka ka taagan yahay khilaaf ku saabsan muddo xileedka madaxweynaha iyo qaabka doorashada.
Golaha Mustaqbalka Somaliyeed, oo ay ku jiraan Puntland iyo Jubbaland, ayaa diiday wadahadallada dowladda, wuxuuna dalbaday dhex dhexaadiye caalami ah iyo dammanad.
Xasan Sheekh ayaa dhankiisa u bandhigay hoggaamiyeyaasha mucaaradka inuu kula kulmo meel kasta oo ay doortaan.
Guddiga Dorashoyinka Qaranka ayaa diiwaangelinta xisbiyada u kordhiyay 30-ka Noofembar. Doorashada baarlamaanka waxaa loo qorsheeyay 15-ka Abriil 2027, halka tan madaxtooyadu ay tahay 15-ka May 2027.









