Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (HSJ) ayaa beenisay warqad baraha bulshada lagu faafiyay, oo sheegaysay in dowladdu ay muwaadiniinta Somaliyeed ka mamnucday inay u safraan Imaaraadka Carabta.
“Warqaddaan waa been abuur, kamana soo bixin Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayay tiri hay’addu.
HSJ ayaa ka digtay in la faafiyo dukumentiyo aan rasmi ahayn, waxayna shacabka iyo warbaahinta ugu baaqday inay xogta ka hubiyaan ilaha rasmiga ah ee dowladda.
Sidaas darteed, ma jirto amar rasmi ah oo dowladda Soomaaliya ay ku mamnuucday safarrada Imaaraadka.
Warqaddan been abuurka ah ayaa soo baxday xilli xiisad diblomaasiyadeed oo culus ay ka dhex taagan tahay Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Khamiistii, dowladda federaalka ayaa safiirka Imaaraadka siisay 72 saacadood inuu dalka uga baxo, waxayna dib u yeeratay safiirkii Somaliya ee Abu Dhabi.
Dowladda ayaa Imaaraadka ku eedeysay inuu faragelin toos ah ku hayo arrimaha gudaha Somaliya, isla markaana uu ka shaqeynayo kala qeybinta dalka.
Imaaraadka ayaa dhankiisa cambaareeyay tallaabada Muqdisho, isagoo ku tilmaamay mid aan ku dhisneyn mas’uuliyad.
Bishii Janaayo ee sannadkan, dowladda federaalka ayaa burisay dhammaan heshiisyadii dekedaha, amniga iyo dhaqaalaha ee ay la lahayd Imaaraadka.
Xilliyada xiisadaha siyaasadeed, baraha bulshada ayaa inta badan lagu faafiyaa warar iyo dukumentiyo been abuur ah, sidaas darteed shacabka ayaa lagula talinayaa inay xogta ka hubiyaan hay’adaha rasmiga ah kahor intaysan faafin.









