Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa diiday inuu ka jawaabo hadallada aflagaadada ah ee Madaxweyne Donald Trump uu ka sheegay Soomaalida iyo Soomaaliya, isagoo sheegay inuu isagu sidoo kale haysto dhalashada Mareykanka.
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay barnaamijka Talk to Al Jazeera ee telefishinka Al Jazeera English, kaas oo la sii daayay dabayaaqadii toddobaadkii hore.
Weriyaha ayaa wasiirka weydiiyay in isaga iyo bulshada Soomaaliyeed ay ka xumaadeen hadallada Trump ee soo noqnoqday.
“Aniguna waxaan ahay muwaadin Mareykan ah,” ayuu yiri Cali Balcad.
“Madaxweyne Trump waxaa soo doortay muwaadiniinta Mareykanka, sidaas darteed waa madaxweynaha Mareykanka. Kama jawaabi doono waxa uu sheegay,” ayuu intaa ku daray.
Wasiirka ma uusan sheegin inuu shaqsi ahaan ka xumaaday hadallada, mana uusan caddeyn haddii dowladda federaalku ay qorsheyneyso jawaab rasmi ah.
Madaxweyne Trump ayaa bishii Diseembar 2025, kulan uu la qaatay golaha wasiirradiisa, Soomaalida ku sugan Mareykanka ku tilmaamay “qashin,” isagoo sheegay inaysan waxba ku soo kordhin dalkiisa.
Wuxuu sidoo kale Soomaaliya ku tilmaamay dal ay ku baahsan yihiin dambiyo iyo xasillooni darro.
Hadalladaas ayaa la kulmay cambaareyn ka timid siyaasiyiin iyo hoggaamiyeyaasha bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka, kuwaas oo Trump ku eedeeyay inuu si aan cadaalad ahayn u beegsanayo bulsho muhaajiriin ah.
Jawaabta wasiirka ayaa iyana dhalisay dood. Qaar ka mid ah Soomaalida ayaa sheegay in masuul sare uu ahaa inuu ka hadlo marka shacabkiisa la aflagaadeeyo, halka kuwo kale ay u arkaan tallaabo uu ku ilaalinayo xiriirka muhiimka ah ee Mareykanka.
Wareysiga intiisa kale, Cali Balcad wuxuu ka hadlay horumarka laga gaaray amniga iyo dib u dhiska hay’adaha dowladda, in ka badan 30 sano kadib burburkii dowladda dhexe ee 1991.
Wuxuu u mahadceliyay saaxiibada caalamka, isagoo sheegay in Soomaaliya aysan gaari lahayn heerka ay hadda joogto la’aantood.
Sidoo kale wuxuu xusay soo afjarista howlgalka siyaasadeed ee QM ee Soomaaliya bishii Oktoobar, taasoo uu ku tilmaamay mid muujinaysa rabitaanka Soomaaliya ee ah inay si buuxda ula wareegto arrimaheeda siyaasadeed iyo amni.
Wasiirka ayaa qiray inay jiraan caqabado, oo ay ka mid yihiin khatarta Al-Shabaab iyo khilaafka ku saabsan isbeddelada dastuurka iyo waqtiga doorashooyinka.
Wuxuu muujiyay kalsooni ah in saaxiibada caalamku ay sii wadi doonaan taageerada dhaqaale ee Soomaaliya.









