Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay Ku xigeenka Xoghayaha Fulinta ee ururka IGAD, Maxamed Cabdi Waare.
Kulanka oo dhacay Isniintii, 16-ka Noofembar, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo kooxaha mucaaradka.
Labada masuul ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha gobolka Geeska Afrika, iyagoo adkeeyay doorka IGAD ee xoojinta nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga gobolka.
Waxay sidoo kale ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Turkiga iyo IGAD, iyo in la horumariyo shaqo wadajir ah oo ku saabsan mudnaanta gobolka.
Safiir Alkan ayaa todobaadyadan dambe Muqdisho kula kulmay masuuliyiin dowladeed iyo qaar ka mid ah hogaamiyeyasha mucaaradka, iyadoo looga hadlayay xallinta khilaafka siyaasadeed.
Turkiga ayaa ka mid ah afarta dhinac ee caalami ah, oo ay sidoo kale ku jiraan Mareykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub, kuwaas oo oggolaaday inay fududeeyaan wadahadallada dowladda iyo mucaaradka.
Shirka wadatashiga qaran ee Madaxweyne Xasan Sheekh ugu yeeray mucaaradka, kaas oo la qorsheeyay inuu furmo 14-ka Noofembar, ayaa dib u dhac ku yimid, kadib is afgarad la’aan ku saabsan shuruudaha wadahadallada.
Golaha Mustaqbalka Somaaliyeed ayaa sheegay inuu ka qeyb geli doono oo keliya wadahadallo ay dhexdhexadiyaan afartaas dhinac.
Bishii Luulyo ee sannadkan, Turkiga ayaa martigeliyay wadahadallo hordhac ah oo u dhexeeyay dowladda iyo mucaaradka.
Maxkamadda Sare ayaa dhinacyada siisay ilaa 5-ta Diseembar inay ku heshiiyaan qaab doorasho.
Somaaliya ayaa ka mid ah dalalka aasaasay IGAD, oo ah urur goboleed ay ku mideysan yihiin dalalka Geeska iyo Bariga Afrika.









