Feeryahannadda caanka ah ee Soomaaliyeed, Ramla Cali, ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadashay xukunka lagu riday nin lagu eedeeyay inuu qorshe lagu beegsanayay ka shaqeeyay xilli ay booqasho ku joogtay Muqdisho.
“Kuma filna, waxay ahayd in lagu xukumo 100 sano,” ayay tiri Ramla, oo wareysi siisay wariye Maxamed Cabdi Muudey.
Ninka la xukumay ayaa lagu magacaabaa Cabdisalaam Maxamed Xasan, oo loo yaqaan Aamusane.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa bishii Maarso ee sannadkan ku xukuntay 10 sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira argagixiso.
Wuxuu ku eedeysnaa inuu tan iyo 2014 ka tirsanaa qeybta sirdoonka qaraxyada ee kooxda Al-Shabaab.
Waxaa lagu eedeeyay inuu ilaalin jiray guryaha masuuliyiinta dowladda, isla markaana uu xog ka gudbiyay Ramla Cali xilli ay booqasho ku joogtay Muqdisho.
Kiiska waxaa sidoo kale lagu soo oogay afar qof oo kale, oo ay ku jiraan laba haween ah.
Mid ka mid ah ayaa lagu xukumay laba sano, halka labada haween ah lagu xukumay sannad xarig amni ah. Qofka afraad ayaa la sii daayay, maadaama uu horey u dhammeystay xukun hore.
Waxay sheegtay inay qorshaha ka war heshay kadib markii ay dalka dib uga baxday, iyadoo arrinta ka ogaatay baraha bulshada iyo warbaahinta Soomaaliyeed.
Ramla ayaa sheegtay in hanjabaaduhu aysan joojin doonin shaqadeeda, mana aysan cabsi gelin doonin.
Waxay xaqiijisay inay mar kale ku laaban doonto Soomaaliya, iyadoo sheegtay in wax walba ay leeyihiin waqtigooda.
Ramla Cali ayaa ah feeryahannad Soomaaliyeed oo ku kortay Ingiriiska. Waxay Soomaaliya u matashay Ciyaaraha Olombikada ee Tokyo, waxayna noqotay haweeneydii ugu horreysay ee feerka Soomaaliya ugu matasha tartankaas.









