Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa Isniintii, 16-ka Noofembar, magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Shirka Saddexaad ee Qaranka ee La Socodka iyo Qiimeynta (SNMEC 2026).
Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa qiimeynta qorshayaasha horumarinta qaranka, iyo xoojinta xisaab celinta lagu cabbiro waxqabadka dowladda iyo natiijada qorshayaasha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbaddiisa ku sheegay in qiimeyntu ay muhiim u tahay in la ogaado in qorshayaasha la fuliyay iyo inay keeneen natiijo muuqata oo shacabku dareemaan.
Xamza ayaa tilmaamay horumarro laga gaaray dhowr qeybood, oo ay ku jiraan koboca dhaqaalaha, adeegyada bulshada, kororka ardayda iyo macallimiinta la shaqaaleysiiyay, ballaarinta xarumaha caafimaadka iyo maalgashiyo la fuliyay.
“Waxa aan samaynay dariiq cad oo la isku xisaabiyo oo natiijo lagu soo saaro,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo sheegay in hadda uu jiro nidaam cad oo natiijooyinka ku xiraya wasaaradaha.
Wuxuu ammaanay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, oo hirgelisay nidaamka elektaroonigga ah ee e-NIMES, kaas oo loogu talagalay in lagu dardar geliyo la socodka iyo qiimeynta mashaariicda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hay’adaha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ugu baaqay inay waqtigeeda gudbiyaan xogta waxqabadkooda.
Sidoo kale wuxuu saaxiibada horumarinta ka codsaday inay taageeradooda la jaanqaadaan mudnaanta qaranka.
Wuxuu sheegay in caddeyn la isku halleyn karo ay tahay inay hagto go’aannada, miisaaniyadda iyo bixinta adeegyada.
Xamza ayaa ku baaqay in jaamacadaha, cilmi baarayaasha iyo dhallinyarada xirfadda leh ay ka qeyb qaataan hawlaha qiimeynta iyo la socodka horumarka.









