Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Taiwan iyo Israa’iil ay khatar ku yihiin jiritaanka iyo madax bannaanida Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay xaflad Axaddii, 15-ka Noofembar, lagu dhagax dhigay Jaamacadda Difaaca Qaranka, oo laga dhisayo magaalada Muqdisho.
Mashruuca jaamacadda waxaa dhismihiisa gacan ka geysanaysa dowladda Shiinaha. Jaamacada ayaa la filayaa inay yelato isbitaal milatari oo gaar ah.
“Taiwan waxay khatar ku tahay jiritaanka Soomaaliya,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
“Israa’iilna waxay khatar kale ku tahay dowladnimada Soomaaliya,” ayuu intaa ku daray.
Madaxweynaha ayaa Shiinaha ku tilmaamay mid ka mid ah saaxiibbada ugu dhow ee Somaaliya, isagoo xusay in Beijing ay taageero siinaysay Somaaliya tan iyo 1960-meeyadii.
Wuxuu sheegay in labada dal ay ku mideysan yihiin mabda’a “Hal Shiine” iyo “Hal Soomaaliya.”
“Waan naqaannaa cidda saaxiibbada dhow nala ah iyo cidda aan nala ahayn,” ayuu yiri.
Israa’iil ayaa 26-kii Diseembar 2025 noqotay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland, oo 1991 ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya.
Go’aankaas ayaa dhaliyay xiisad diblomasiyadeed oo weyn, waxaana cambaareeyay Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta.
Taiwan ayaa iyana sannadkii 2020 xafiis wakiil ka furtay magaalada Hargeysa, waxayna xiriir dhow la leedahay Somaliland. Dowladda federaalka ayaa tallaabooyinkaas u aragta kuwo wiiqaya midnimada dalka.
Xasan Sheekh ayaa isla xafladda ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee dalka, isagoo mucaaradka ugu baaqay inay ku soo laabtaan miiska wadahadalka.
Wuxuu sheegay in wax walba lagala hadli karo, marka laga reebo arrimaha wiiqaya midnimada, amniga iyo madax bannaanida dalka.
Sidoo kale wuxuu dhaliilay siyaasiyiinta xal ka raadsada dalal shisheeye, inkastoo uusan cidna magacaabin.
Hadallada madaxweynaha ayaa yimid maalin kadib markii Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu sheegay inuu ka qeyb geli doono wadahadallo oo keliya haddii ay dhexdhexaadiyaan Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo Turkiga.
Ilaa hadda lama hayo jawaab ka timid Taiwan, Israa’iil ama Somaliland oo ku saabsan hadallada madaxweynaha.









