Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in shirka wadatashiga qaran ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu yeeray kooxaha mucaaradka uu weli diyaar garow ku jiro, isla markaana uu “dhawaan furmi doono.”
Shirka ayaa la filayay inuu Sabtidii, 14-ka Noofembar, ka furmo magaalada Muqdisho, kana socdo ilaa 18-ka bishan.
War ay soo saartay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in xiriirro ay la sameyneyso dhinacyada lagu casuumay, si loo dhammeystiro diyaar garowga shirka.
Madaxtooyada ma aysan sheegin taariikh cusub oo shirka la furayo, mana aysan faahfaahin sababta dib u dhaca.
Hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in dib u dhacu uu ka dhashay is afgarad la’aan u dhexeysa dowladda iyo mucaaradka, oo ku saabsan shuruudaha iyo qodobbada habraaca wadahadallada.
Kooxaha mucaaradka ayaa ku adkeystay in loo baahan yahay damaanad iyo dhexdhexaadin caalami ah, si wadahadallada ay natiijo u keenaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa 26-kii Oktoobar shirkan ku casuumay xisbiga Nabad iyo Nolol, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimada Qaranka iyo ururrada bulshada rayidka.
Wadahadallada hordhaca ah ayaa la sheegay in diiradda lagu saarayo arrimaha mustaqbalka dalka, iyadoo doorashooyinka ay ugu horreeyaan.
Wadahadalladii hore ee dowladda iyo mucaaradka ayaa soo jiitamay iyagoon la gaarin heshiis dhammeystiran.
Shirka ayaa la qorsheeyay kadib go’aankii Maxkamadda Sare ee 5-ta Noofembar, kaas oo dhinacyada siiyay ilaa 5-ta Diseembar inay ku heshiiyaan qaab doorasho.
Dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga iyo Midowga Yurub ayaa horey u oggolaaday inay fududeeyaan wadahadallada.









