Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Uganda oo beenisay warar sheegayay in askartiisa lagu dilay Somaaliya

Dowladda Uganda ayaa beenisay warar sheegayay in askar Ugandan ah lagu dilay weerar ka dhacay Shabeellaha Hoose ee Soomaaliya.

Wararka24 News Desk by Wararka24 News Desk
November 14, 2026, 12:15 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Uganda oo beenisay warar sheegayay in askartiisa lagu dilay Somaaliya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Dowladda Uganda ayaa beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in askar Ugandan ah lagu dilay weerar ka dhacay Somaaliya, xilli ay ka baxayeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegayay in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay gaadmo u dhigeen kolonyo ciidamo Ugandan ah oo ka tirsan howlgalka AUSSOM, iyagoo sheegay in 10 ilaa 11 askari ay ku dhinteen.

Ku xigeenka agaasimaha fulinta ee Xarunta Warbaahinta Uganda, Dennis Katungi, ayaa Jimcihii shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Kampala ku sheegay in wararkaas ay yihiin been.

Katungi ayaa sheegay in Uganda ay diiday wararka internetka lagu faafiyay, isagoo ku eedeeyay Al-Shabaab inay tahay cidda faafisay.

Ilaa hadda lama helin wax xaqiijin madax bannaan ah oo ku saabsan weerarka la sheegay, Al-Shabaabna si rasmi ah ugama aysan hadlin.

Beeninta ayaa timid xilli Uganda ay ku jirto bixitaanka ciidamadeeda Soomaaliya.

2-da Noofembar, Gashaanle Sare Chris Magezi, oo ah agaasimaha ku meel gaarka ah ee macluumaadka difaaca ee Uganda, ayaa sheegay in ciidamada Uganda ay bilaabeen inay ka baxaan Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in marka hore ay bixi doonaan ciidamada ku jooga heshiiska laba geesoodka ah ee Kampala iyo Muqdisho, halka kuwa ka tirsan AUSSOM ay si tartiib tartiib ah dalka uga bixi doonaan dhammaadka sannadka 2027.

4-ta Noofembar, La taliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa sheegay in ciidamada hadda dalka ka baxaya ay inta badan yihiin kuwa heshiiska laba geesoodka ah, isla markaana ciidamada Uganda ee AUSSOM ay weli dalka ku sugan yihiin.

Uganda ayaa leh qiyaastii 4,500 askari oo ka tirsan AUSSOM, taas oo ah kooxda ugu badan howlgalka. Ciidamadaasi waxay inta badan ka howlgalaan gobolka Banaadir iyo Shabeellaha Hoose.

Jadwalka Uganda ayaa ka horreeya qorshaha guud ee AUSSOM, kaas oo dhigaya in howlgalku si buuxda uga baxo Soomaaliya dhammaadka sannadka 2029, iyadoo ku xiran xaaladda amniga.

Uganda ayaa ahayd dalkii ugu horreeyay ee ciidamo u soo diray howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, bishii Maarso 2007.

Howlgalkaas oo markii hore loo yaqaannay AMISOM, ayaa markii dambe noqday ATMIS, kadibna AUSSOM, oo howlgalkiisa bilaabay bishii Janaayo 2025.

Bixitaanka Uganda ayaa walaac ka dhex abuuray khubarada amniga, kuwaas oo ka cabsi qaba in uu kal amni ka dhaco deegaannada Shabeellaha Hoose, xilli ay ciidamada Mareykankana ka baxeen saldhigga Baledoogle.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Shirkii wadatashiga ee Xasan Sheekh oo dib u dhac ku yimid

Shirkii wadatashiga ee Xasan Sheekh oo dib u dhac ku yimid

34 minutes ago
Imaaraadka oo la sheegay inuu Turkiga ka codsaday

Imaaraadka oo la sheegay inuu Turkiga ka codsaday

46 minutes ago
Uganda oo beenisay warar sheegayay in askartiisa lagu dilay Somaaliya

Uganda oo beenisay warar sheegayay in askartiisa lagu dilay Somaaliya

56 minutes ago
Trump oo sheegay in Sacuudiga uu “kala daadanayo,” kana codsaday

Trump oo sheegay in Sacuudiga uu “kala daadanayo,” kana codsaday

1 hour ago
Soomaaliya oo 2-0 ku lumisay ciyaartii Ghana ee isreebreebka Koobka Qaramada Afrika 2027

Soomaaliya oo 2-0 ku lumisay ciyaartii Ghana ee isreebreebka Koobka Qaramada Afrika 2027

19 hours ago
Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

19 hours ago
Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,

Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,

20 hours ago
Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo

Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo

20 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.