Safiirka Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa ka jawaabay hadallo uu sheegay Ku xigeenka Madaxweynaha Mareykanka, JD Vance, kuwaas oo uu ugu baaqay in dib loo eego xiriirka Washington iyo Israa’iil.
Danon ayaa wareysi uu siiyay telefishinka i24NEWS ku sheegay in ay fududahay in Israa’iil lagu eedeeyo wax kasta, balse arrintu aysan sidaas ahayn.
Wuxuu sheegay inay nasiib darro tahay in dad badan ay Israa’iil la xiriiriyaan kororka qiimaha shidaalka ee Mareykanka.
Safiirka ayaa adkeeyay in go’aanka lagu weeraray Iran uu ka yimid Mareykanka, ee uusan ka imaan Israa’iil, inkastoo ay Israa’iil taageertay, aaminsan tahayna inuu ahaa go’aan sax ah.
Danon ayaa qiray in Israa’iil ay si dhow ula socoto dhaleeceynta sii kordheysa ee laga soo jeedinayo labada xisbi ee waaweyn ee Mareykanka, isagoo sheegay in xaaladdani ay Israa’iil ku adkaan doonto.
Markii la weydiiyay suurtagalnimada heshiis dhex mara Mareykanka iyo Iran, wuxuu sheegay in Israa’iil ay had iyo jeer qaadi doonto tallaabo kasta oo looga baahdo difaaceeda.
Vance ayaa Arbacadii barta X ku qoray in dagaalka Iran uu sababay guuldarradii xisbiga Jamhuuriga ee doorashada dhexe, halkaas oo Dimuqraadiyiintu ay kula wareegeen labada aqal ee Koongaraska.
Wuxuu xisbigiisa u soo jeediyay inay soo afjaraan dagaalka, wax ka qabtaan qiimaha nolosha, dib ugu laabtaan siyaasadda “Mareykanka Marka Hore,” isla markaana ay “beddelaan xiriirka aan la leenahay Israa’iil.”
Hadalkaas ayaa walaac ka dhex abuuray siyaasiyiinta Israa’iil.
Yair Golan, oo hoggaamiya xisbiga Dimuqraadiyiinta ee Israa’iil, ayaa sheegay in doorashada Mareykanka ay muujisay “sida uu Netanyahu ugu yahay sun labada Dimuqraadiyiinta iyo Jamhuuriyiinta.”
Wuxuu ka digay in sii joogitaanka xukunka Netanyahu ay Israa’iil u horseedi karto cunaqabatayn caalami ah, go’doomin iyo isku dhac ay la gasho Mareykanka.
Ra’iisul wasaarihii hore Yair Lapid ayaa dhankiisa sheegay in Israa’iil aysan dhinac ka raacin siyaasadda Mareykanka, balse ay la shaqeyso dhammaan dhinacyada.
Lapid ayaa qiray in kooxda ka soo horjeedda Israa’iil ee Aqalka Hoose ay korortay, hase yeeshee wuxuu sheegay in tiradoodu ay weli tahay qiyaastii 25 xildhibaan oo ka mid ah 435.
Sahan uu sannadkan sameeyay xarunta cilmi baarista Pew ayaa muujiyay in 52 boqolkiiba Mareykanka ay si wanaagsan u arkaan dadka Israa’iil, halka ay sannadkii 2019 ahayd 64 boqolkiiba.
Dagaalka Iran ayaa sababay in Tehran ay xaddiddo socodka maraakiibta ee marinka Hormuz, taasoo kor u qaadday qiimaha tamarta adduunka.









