Itoobiya iyo Suudaan ayaa xiray qunsuliyadihii ay ku lahaayeen magaalooyin u dhow xadka ay wadaagaan, iyadoo labada dal ay isku eedeynayaan inay taageeraan kooxo hubeysan.
Itoobiya ayaa xirtay qunsuliyadda Suudaan ee magaalada Asosa, waxayna lix ka tirsan shaqaalaha qunsuliyadda ku amartay inay dalka kaga baxaan 48 saacadood gudahood. Suudaan ayaa ku jawaabtay inay xirto qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Gadarif, kana saarto shaqaalihii halkaas ka howlgalayey, sida ay saraakiil labada dal ah u sheegeen Reuters.
Dowladda Suudaan ayaa sheegtay inay cabasho u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika. Waxay Itoobiya ku eedeysay inay kooxda RSF u oggolaatay inay dhulkeeda ka dirto diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu weeraray kaabayaasha rayidka ee Suudaan.
Itoobiya ayaa beenisay inay taageerto RSF, oo dagaal kula jirta ciidanka Suudaan tan iyo Abriil 2023. Itoobiya ayaa dhankeeda Suudaan ku eedeysay inay taageerto kooxaha hubeysan ee gobolka Tigray. Suudaan ayaa beenisay eedeyntaas.









