Madaxweynaha Soomaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Arbacadii, 4-tii Nofeembar 2026, warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Salim bin Habib Al Umairi, oo ah safiirka cusub ee Saldanadda Cumaan u fadhiya Soomaliya, xaflad lagu qabtay Muqdisho.
Safiirku wuxuu Madaxweynaha u gudbiyay salaan ka timid Suldaan Haitham bin Tariq, isagoo muujiyay in Cumaan ay doonayso inay xoojiso iskaashiga labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safiirka ka codsaday inuu salaan iyo hambalyo u gudbiyo Suldaanka, wuxuuna shacabka Cumaan u rajeeyay horumar iyo barwaaqo. Wuxuu sidoo kale safiirka u rajeeyay inuu ku guuleysto xilkiisa, xiriirka labada dalna uu sii kobco.
Safaarada Cumaan oo dib loo furay
Safiirka cusub ee Cumaan ayaa dhammaadkii Oktoobar nuqullada warqadahiisa u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali. Wasiirka ayaa xilligaas uga mahadceliyay dowladda Cumaan taageerada joogtada ah ee ay u hayso madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Cumaan ayaa bishii Oktoobar dib u furtay safaaraddeeda Muqdisho, kaddib 36 sano oo ay xirnayd, sida ay werisay FTL Somalia.
Xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Cumaan
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa bishii Abriil booqday caasimadda Cumaan ee Muscat, halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa Sayyid Badr Albusaidi, wuxuuna la kulmay Hay’adda Maalgashiga Cumaan si looga wada hadlo fursadaha tamarta, kaabayaasha, saadka, sugnaanta cuntada iyo tiknoolajiyada.
Ganacsiga labada dal ayaa sannadkii 2025 gaaray qiyaastii 538 milyan oo doollar, sida ay muujinayso xogta UN Comtrade ee ay soo xigatay FTL Somalia. Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa dhawaan la kulmay safiirka si ay uga wada hadlaan xoojinta ganacsiga iyo maalgashiga.









