Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in la soo gabagabeeyay tirinta codadka doorashadii ka dhacday Israa’iil, iyadoo aanay dhinaca Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo dhinaca mucaaradkuba helin aqlabiyad baarlamaani ah.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
October 30, 2026, 11:48 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Doorashada Israa’iil iyo Isbahaysi Cusub
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in la soo gabagabeeyay tirinta codadka doorashadii ka dhacday Israa’iil, iyadoo aanay dhinaca Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu iyo dhinaca mucaaradkuba helin aqlabiyad baarlamaani ah.

Xilli natiijooyinka hordhaca ah la shaacinayay maalintii Khamiista, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa kulmay si ay uga wada hadlaan fursadaha lagu dhisi karo isbahaysi siyaasadeed.

Wargeyska Haaretz ee ka soo baxa Israa’iil ayaa qoray in ka dib markii la tiriyay in ka badan 99 boqolkiiba codadkii la dhiibtay maalintii Talaadada, isbahaysiga Netanyahu uu helay 53 kursi oo ka mid ah 120-ka kursi ee baarlamaanka, halka dhinaca mucaaradka oo uu hoggaaminayo Gadi Eisenkot ay heleen 48 kursi. Waxaa intaas lagu daray in xisbiyada matala Carabta ay iyaguna wada heleen 19 kursi.

Labada dhinacba, isbahaysiga Netanyahu iyo xisbiyada mucaaradka, waxay ku guuldareysteen inay helaan 61-da kursi ee looga baahan yahay in lagu helo aqlabiyad baarlamaani ah.

Natiijooyinka rasmiga ah ee doorashada ayaa la xaqiijin doonaa oo la shaacin doonaa marka la gaaro maalinta Arbacada. Ilaa waqtigaas, natiijooyinku way isbeddeli karaan.

Doorashadii dhacday maalintii Talaadada, taas oo ahayd tii ugu horreysay tan iyo weerarradii 7-dii Oktoobar 2023 lagu qaaday koonfurta Israa’iil iyo billowgii dagaalka xasuuqa ah ee Israa’iil ay ku hayso Gaza.

Isbahaysi cusub oo la filaaya

Khamiistii, Eisenkot, oo ah madaxa xisbiga Yashar, ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore Naftali Bennett, oo hoggaamiya xisbiga Together, si ay uga wada hadlaan siyaabaha loo dhisi karo dowlad cusub, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay warbaahinta Ynet News ee Israa’iil.

Eisenkot wuxuu sidoo kale la kulmay guddoomiyaha xisbiga Dimuqraadiga Yair Golan, oo ah xubinta kaliya ee isbahaysiga mucaaradka ah ee taageeray sameynta isbahaysi ay la leeyihiin xisbiyada ay hoggaaminayaan muwaadiniinta Falastiiniyiinta ee Israa’iil, halka dhammaan kooxaha kale ee siyaasadeed ay diideen midow noocaas ah.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

21 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

22 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

22 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

23 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.