Wararka24: Ruushka ayaa sheegay inuu mabda’ ahaan diyaar u yahay inuu dib u bilaabo wadahadallada uu la leeyahay Ukraine iyo Mareykanka, kuwaas oo looga golleeyahay in lagu soo afjaro dagaalka billowday bishii Febraayo 2022, sida uu sheegay Yuri Ushakov, oo ah la taliye sare oo ka mid ah la taliyeyasha Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.
Ushakov ayaa hadalkan sheegay kaddib kulan Arbacadii magaalada St Petersburg ku dhexmaray Putin iyo Steve Witkoff, oo ah ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Wuxuu sheegay in wareeg cusub oo wadahadallo ah la qaban karo bisha soo socota, iyadoo Abu Dhabi ee Imaaraadka Carabta ay ka mid tahay meelaha suuragalka ah ee lagu kulmi karo.
Wadahadallada u dhexeeya Moscow, Kyiv iyo Washington ayaa hakad galay bishii Febraayo, iyadoo dhinacyadu ay ku kala aragti duwan yihiin shuruudaha lagu soo afjarayo colaadda. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky iyo xulafadiisa Yurub ayaa ku baaqayay in dib loo bilaabo dadaallada diblomaasiyadeed.
Witkoff ayaa kulanka St Petersburg yimid kaddib wadahadallo uu Isniintii magaalada Oslo kula yeeshay Zelensky iyo hoggaamiyeyaasha Norway iyo Finland. Ushakov ayaa sheegay in fikradihii ay dhinacyadaas soo bandhigeen aysan ahayn kuwo si weyn wax uga tari kara xalinta khilaafka.
Mas’uul Mareykan ah oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Witkoff iyo Jared Kushner, oo ah wiilka uu soddogga u yahay Trump kana qayb qaata dadaallada diblomaasiyadeed, ay Oslo ku soo jeediyeen kulan farsamo oo saddex geesood ah oo dhex mara Mareykanka, Ruushka iyo Ukraine. Sida uu mas’uulkaasi sheegay, dhinacyada Ukraine iyo Ruushka ayaa aqbalay soo jeedintaas.
Ushakov ayaa sidoo kale sheegay in Putin uu Witkoff u sheegay in ciidamada Ruushku ay horumar ka samaynayaan jiidaha dagaalka, isla markaana ay hayaan hindisaha istiraatiijiyadeed. Ukraine iyo xulafadeeda Yurub ayaa dhankooda ka aragti duwan sheegashada Moscow, iyagoo tilmaamaya in dagaalku weli wajahayo ismari waa.
khilaafka u dhexeeya Washington iyo Kyiv
Dadaalladan diblomaasiyadeed ayaa socda xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka u dhexeeya Washington iyo Kyiv. Trump ayaa dhawaan su’aal geliyay baahida loo qabo in Zelensky uu sii ahaado madaxweynaha Ukraine, halka hoggaamiyeyaasha Yurub ay walaac ka muujiyeen hadallada Mareykanka ee ku saabsan Ruushka.
Weli ma cadda in kulanka la qorsheynayo uu horseedi doono heshiis rasmi ah, maadaama ay weli jiraan kala duwanaansho ku saabsan amniga labada dal, xaaladda dhulka la isku hayo iyo shuruudaha lagu soo afjarayo dagaalka.









