Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Mareykanka oo Britain kala baxay diyaaradaha dagaalka kadib xog weerar oo Iran…

Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa dib ugu celiyay gudaha Mareykanka diyaaradaha wax duqeeya ee B-1 iyo B-52 ee ku sugnaa saldhigga RAF Fairford ee Britain, kadib markii saraakiisha militariga ay heleen xog cusub oo ku saabsan qorshe weerar…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
October 5, 2026, 10:52 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Mareykanka oo Britain kala baxay diyaaradaha dagaalka kadib xog weerar oo Iran…
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa dib ugu celiyay gudaha Mareykanka diyaaradaha wax duqeeya ee B-1 iyo B-52 ee ku sugnaa saldhigga RAF Fairford ee Britain, kadib markii saraakiisha militariga ay heleen xog cusub oo ku saabsan qorshe weerar oo la tuhunsan yahay inuu xiriir la leeyahay Iran.

RAF Fairford ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay noqotay goob muhiim u ah hawlgallada diyaaradaha Mareykanka ee ka dhanka ah Iran. Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in diyaaradaha dib loogu celiyay saldhigyadoodii gudaha Mareykanka, iyadoo tallaabadan ay timid xilli Washington ay qiimeyneyso xaaladda amni ee saldhigyada ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin Yurub.

Go’aanka ayaa yimid kadib markii booliska Britain ay qabteen dhowr qof oo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen fal argagixiso oo lala xiriirinayo saldhigga RAF Fairford. Shan nin oo British ah ayaa markii hore lagu xiray meel u dhow saldhigga, halka nin 25 jir ah oo haysta dhalashada Britain iyo Iran lagu xiray London maalmo kadib. Dhammaantood ayaa markii dambe damiin lagu sii daayay, balse baaritaanka ayaa weli socda.

Mas’uuliyiinta Britain ayaa baaraya suuragalnimada in koox ama shaqsiyaad ay xiriir la leeyihiin dowlad shisheeye. Qaar ka mid ah madaxda Britain iyo Mareykanka ayaa tilmaamay suuragalnimada xiriir Iran ah, balse Tehran ayaa si cad u diiday inay ku lug leedahay qorshaha, iyadoo booliska Britain ay sheegeen in baaritaanka uu weli socdo.

Mareykanka ayaa sidoo kale kordhinaya joogitaankiisa militari ee Bariga Dhexe, xilli Madaxweyne Donald Trump uu sheegay in Washington ay qiimeyneyso tallaabooyin dheeraad ah oo ka dhan ah Iran. Dhaqdhaqaaqyadaas ayaa ku soo beegmaya iyadoo xiisadda gobolka ay weli kacsantahay, gaar ahaan kadib weerarradii iyo hawlgalladii militari ee xiriirka la lahaa colaadda Iran.

RAF Fairford, oo ku taalla Gloucestershire ee koonfur-galbeed Britain, ayaa muddo dheer ahayd xarun ay ciidamada Mareykanku u adeegsadaan diyaaradaha wax duqeeya ee culus. Inkasta oo diyaaradaha Mareykanku hadda ka baxeen saldhigga, ciidamada Mareykanka ayaa weli leh joogitaan ballaaran oo militari oo ku yaalla Britain iyo Bariga Dhexe.

kala baxay saldhigga


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ronaldinho oo dib garoomada ugu soo noqday isagoo

Ronaldinho oo dib garoomada ugu soo noqday isagoo

21 hours ago
Somaliland oo xirtay ragii mareykan ka oo laga casuumay xafiiska

Somaliland oo xirtay ragii mareykan ka oo laga casuumay xafiiska

21 hours ago
Dowladda Somaliya oo soo dhaweysay go’aanka Mareykanka ee sii wadista

Dowladda Somaliya oo soo dhaweysay go’aanka Mareykanka ee sii wadista

21 hours ago
deegaannada Baab al-Mandab oo lala wareegay kadib bixitaanka ciidamada dowladda Yaman

deegaannada Baab al-Mandab oo lala wareegay kadib bixitaanka ciidamada dowladda Yaman

21 hours ago
Qorshe Mareykan ah oo  lagu doonayay in NFD loogu celiyo Somaliya

Qorshe Mareykan ah oo lagu doonayay in NFD loogu celiyo Somaliya

2 days ago
Safiirka Turkiga iyo ku xigeenka xoghayaha IGAD oo Muqdisho kaga wada hadlay xaladda Somaliya

Safiirka Turkiga iyo ku xigeenka xoghayaha IGAD oo Muqdisho kaga wada hadlay xaladda Somaliya

2 days ago
Ramla Cali oo ka hadashay xukunka lagu riday ninkii

Ramla Cali oo ka hadashay xukunka lagu riday ninkii

2 days ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Muqdisho ka furay shirka saddexaad ee

Ra’iisul Wasaare Xamza oo Muqdisho ka furay shirka saddexaad ee

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.