Wararka24: Xaaladda amni ee magaalada Baydhaba ayaa weli kacsan kadib dagaallo soo noqnoqday oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo xoogag taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen. Iska horimaadyada ayaa saameeyay dadka rayidka ah, dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo adeegyada magaalada.
Dagaalladii ugu dambeeyay ayaa kusoo noqday xilli ciidamada labada dhinac ay ku sugnaayeen gudaha iyo nawaaxiga Baydhaba. Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in dadka deegaanka ay wajahaan cabsi laga qabo in iska horimaadyo kale ay dib u qarxaan, inkastoo xaaladda goobaha qaarkood ay isbedbedelayso.
Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo wareysi siiyay Shabelle TV ayaa sheegay in haddii aan si siyaasadeed wax looga qaban xiisadda, ay dagaalladu saameyn ku yeelan karaan deegaanno kale oo ka tirsan Koonfur Galbeed. Wuxuu ku baaqay in dhinacyadu muujiyaan deganaan, isla markaana wada-hadal iyo midnimo lagu wajaho khilaafka siyaasadeed iyo amni ee ka taagan maamulka.
Dalxa wuxuu sheegay in xaaladda Baydhaba aysan ahayn arrin ku kooban magaalada oo keliya, isagoo xusay in dhaq-dhaqaaqyada hubeysan iyo xiisadda siyaasadeed ay u baahan yihiin in si degdeg ah loo qaboojiyo. Hadalladiisa ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhinacyada siyaasadda iyo bulshada qaarkood ay ku baaqayaan in xal wada-hadal ah laga gaaro khilaafka.
Dhinaca kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa bandow kusoo rogay Baydhaba, kaas oo xaddidaya dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka wixii ka dambeeya salaadda Maqrib. Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Maxamed Korsa, ayaa sheegay in tallaabadan loogu talagalay xoojinta amniga iyo ilaalinta kala dambeynta magaalada.
Dagaalladii Baydhaba ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay adeegyada caafimaadka. Hay’adda MSF ayaa sheegtay in dagaallo hore oo dhacay 17-kii Agoosto iyo 3-dii Sebtembar ay sababeen in tobannaan qof oo dhaawac ah loo qaado isbitaallada magaalada, oo ay ku jireen haween iyo carruur.
Xaaladda magaalada ayaa weli si dhow loola socdaa, iyadoo dhinacyada isku haya khilaafka Koonfur Galbeed ay wajahayaan cadaadis ku aaddan sidii loo joojin lahaa dagaallada loona heli lahaa waddo siyaasadeed oo lagu dejiyo xiisadda.







