• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Tuesday, September 29, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Laftagareen oo taageero wayn ka helay xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka

Abdullahi salad olow by Abdullahi salad olow
23 hours ago
Reading Time: 3 mins read
Laftagareen oo taageero wayn ka helay xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka
Share

Wararka24: Qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ee laga soo doorto Koonfur Galbeed ayaa taageero u muujiyay madaxweynihii hore ee maamulkaasi, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, xilli dagaal uu maanta ka dhacay magaalada Baydhaba.

Xildhibaannadan oo Muqdisho kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay garab taagan yihiin Laftagareen iyo ciidamada taageersan, kuwaas oo dagaal kula jira ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa taageera maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Madoobe. Waxay sidoo kale eedeymo u jeediyeen dowladda, iyagoo sheegay in faragelin lagu hayo arrimaha Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Aadan Laftagareen oo ka mid ahaa xildhibaannada hadlay ayaa difaacay walaalkiis, isagoo sheegay inuusan ahayn argagixiso balse uu u dagaallamayo waxa uu ku tilmaamay xaqa Koonfur Galbeed. Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Laftagareen aysan diyaarado u adeegsan weerarkii Baydhaba.

“Waxaa magaalada soo weeraray ciidankii dowladda Koonfur Galbeed oo duullaanka horay loogu qaaday ayaa dib usoo noqday. Diyaaradaha iyaga ma wadan, waxaa watay niman xildhibaanno ah oo Koonfur Galbeed ka tirsan,” ayuu yiri Aadan Laftagareen.

Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed (Murjaan) ayaa sheegay in ciidamada taabacsan Laftagareen ay yihiin kuwo uu ku tilmaamay “xaq-u-dirir”, kuwaas oo sida uu sheegay u dagaallamaya sidii ay u soo celin lahaayeen nidaamkii uu ku tilmaamay mid sharci ah.

“Meel ay Shabaab soo weerartay ma arkin, laakiin ciidamo xaq-u-dirir ah oo dagaalamaya ayaa la ii sheegay inay weerarka soo qaadeen. Hadda waxaa la sheegay in la kiciyay F-16, meesha shacab ayaa lagu laynayaa,” ayuu yiri Murjaan.

Dhankeeda, Xildhibaan Maryan Macallin oo laga soo doorto Baydhaba ayaa sheegtay in dagaalka ka socda Koonfur Galbeed uu yahay mid ay dhinacyo kale soo geliyeen, iyadoo ku doodday in ujeeddadu tahay in la wiiqo jiritaanka maamulkaasi.

“Annagu argagixiso ma arkin. Dadka waxaas leh waxay ka shaqeynayaan burburka Koonfur Galbeed, waana kuwa dagaalka qaybta ka ah. Jiritaankeenna ayaa la diidan yahay,” ayay tiri Maryan Macallin.

Hadallada xildhibaannadan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Baydhaba uu ka socdo iska horimaad u dhexeeya ciidamada Dowladda Federaalka iyo ciidamo taabacsan Laftagareen. Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda sheegtay in weerarka ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad Al-Shabaab iyo kuwa Laftagareen, balse xildhibaannadan ayaa si cad u diiday eedeyntaasi.

Ilaa hadda ma jiro war madax-bannaan oo xaqiijinaya dhammaan sheegashooyinka labada dhinac ee ku saabsan cidda bilowday dagaalka, adeegsiga diyaaradaha dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay iska horimaadka.


Share

Recommended

Ururka Islaamka oo si adag uga hor imaday qorshaha Somaliland ee safaaradda Qudus

Ururka Islaamka oo si adag uga hor imaday qorshaha Somaliland ee safaaradda Qudus

4 months ago
Trump oo sheegay in Xuutiyiintu ka codsadeen Mareykanka inuusan dagaalka faragelin.

Trump oo sheegay in Xuutiyiintu ka codsadeen Mareykanka inuusan dagaalka faragelin.

2 weeks ago
Shabakadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo la jabsaday

Shabakadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo la jabsaday

3 months ago
Fiqi oo sheegay in u fashilmay shirqoolkii Galmudug kadib tanaasulkii Qoor-Qoor

Fiqi oo sheegay in u fashilmay shirqoolkii Galmudug kadib tanaasulkii Qoor-Qoor

3 months ago
Ciidanka Xoogga oo sheegay inay dileen laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga oo sheegay inay dileen laba xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab

4 months ago
Madaxweynaha Ukraine

Madaxweynaha Ukraine oo Maanta La Kulmay Erdogan, Kadib safar degdeg ah uu ku Tagay Magaalada Ankara.

2 years ago
Cirro oo sheegay in Israa’iil iyo Denmark ay ka jawaabeen codsiga aqoonsiga Somaliland

Cirro oo sheegay in Israa’iil iyo Denmark ay ka jawaabeen codsiga aqoonsiga Somaliland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.