Wararka24: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dakhliga gudaha ee dowladda federaalka ka hesho canshuuraha kastamka uu hoos u dhacay qiyaastii 40%, kadib markii carqaladaha ka jira marin-biyoodka Hormuz ay saameeyeen ganacsiga iyo wax-soo-dejinta Soomaaliya.
Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Soomaaliya ay si gaar ah ugu nugushahay saameynta carqaladaha ka dhaca marin-biyoodka Hormuz, maadaama dalka uu si weyn ugu tiirsan yahay badeecooyin laga keeno Bariga Dhexe.
“Carqaladdu waxay sidoo kale sababtay in qiyaastii 40% uu hoos u dhaco dakhligeenna gudaha ee ku saleysan kastamka,” ayuu yiri madaxweynaha, isagoo tilmaamay muhiimadda ay canshuuraha kastamku u leeyihiin dhaqaalaha dowladda.
Sida uu sheegay Xasan Sheekh, dakhliga kastamku wuxuu ka mid yahay ilaha muhiimka ah ee lagu maalgeliyo dib-u-habeynta dhaqaalaha, adeegyada dowladda, kobaca dhaqaalaha iyo dadaallada lagu dhimayo saboolnimada.
Madaxweynaha ma uusan faahfaahin muddada ay quseyso qiyaasta 40-ka boqolkiiba ah, mana uusan soo bandhigin tirooyin muujinaya heerka dakhliga kastamka ka hor iyo kadib hoos u dhaca.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in carqaladaha Hormuz ay sare u qaadeen qiimaha cuntada iyo shidaalka, kharashaadka gaadiidka iyo caymiska badeecooyinka loo soo raro Soomaaliya, taas oo culays dheeraad ah ku keentay ganacsatada iyo shacabka.
Qiyaastan ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda Soomaaliya ay hore uga digtay saameynta qalalaasaha Hormuz ku yeeshay dhaqaalaha dalka. Xog ay hay’adda tirakoobka qaranka soo bandhigtay ayaa lagu sheegay in mugga badeecooyinka soo galaya Soomaaliya uu hoos u dhacay ku dhowaad 40% intii ay socdeen carqaladaha marin-biyoodka.
Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in xaaladdaasi ay keentay koror ku yimid qiimaha cuntada iyo adeegyada caafimaadka, iyadoo Golaha Wasiirradu ay hay’adaha dowladda fareen inay qaadaan tallaabooyin lagu yareynayo saameynta dhaqaalaha ee shacabka.
Soomaaliya waxay dibadda ka soo dhoofsataa qayb weyn oo ka mid ah cuntada, shidaalka iyo badeecooyinka kale ee muhiimka ah. Sidaas darteed, hoos u dhaca wax-soo-dejinta wuxuu si toos ah u saameyn karaa dakhliga kastamka, halka kororka kharashaadka gaadiidka iyo caymiskuna uu sare u qaado qiimaha ay bixiyaan macaamiishu.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay sii waddo dadaallada lagu kordhinayo dakhliga gudaha iyo xoojinta maamulka maaliyadda dadweynaha. Waxa uu sidoo kale sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya la filayo inuu sanadkan gaaro kobac dhab ah oo dhan 3.1%, inkastoo ay jiraan cadaadisyo ka imanaya dhaqaalaha caalamka.









