Wararka24: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York kulamo gaar ah kula yeeshay madaxda dhowr dal, xilli uu halkaasi uga qaybgalayo furitaanka kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha ayaa Talaadadii la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, iyadoo kulankaasi uu ka dhacay magaalada New York. Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa kulanka ku sheegay qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada.
Xasan Sheekh oo kulamo gar ah la yeshay madaxda dhowr dal ka hor shirka Qaramada Midoobay
Sida lagu sheegay war kasoo baxay Villa Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulamo gar gar ah la yeeshay Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vučić, Madaxweynaha Senegal, Bassirou Diomaye Faye, iyo Madaxweynaha Zimbabwe, Emmerson Dambudzo Mnangagwa.
Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalkaasi, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga iyo horumarka. Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimo la xidhiidha danaha wadajirka ah iyo fursadaha lagu ballaarin karo iskaashiga.
Warbixinta Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu madaxda uu la kulmay la wadaagay horumarka ay Soomaaliya sheegtay inay ka samaysay dhinacyada nabadda iyo amniga, dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kala hadlay madaxdaasi fursadaha iskaashi ee Soomaaliya ay la yeelan karto dalalkooda, iyadoo kulamadu qayb ka yihiin dadaallada diblomaasiyadeed ee dowladda Soomaaliya ka waddo dhinaca xiriirka caalamiga ah.
Xiriirka Soomaaliya iyo Pakistan ayaa sidoo kale yeeshay bog cusub, kaddib heshiis is-afgarad ah oo labada dowladood ay bishii Agoosto ku kala saxiixdeen magaalada Islamabad. Heshiiska ayaa lagu sheegay inuu taageerayo dhismaha awoodda ciidamada Soomaaliya, iyo xoojinta amniga badda iyo cirka.
Kulamadan ayaa ku soo beegmaya iyadoo madaxda caalamka ay New York isugu yimaadeen kalfadhiga cusub ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo fursad u siinaya dalalka inay yeeshaan kulamo laba geesood ah oo ku saabsan arrimaha siyaasadda, amniga iyo iskaashiga caalamiga ah.















