Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Trump oo warbaahinta CNN iyo kuwa kale ka mamnuucay Aqalka Cad

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu si degdeg ah uga mamnuucayo Aqalka Cad saddex warbaahineed oo kala ah CNN, MS NOW iyo Politico, isagoo ku eedeeyay inay si joogto ah u baahiyaan waxa uu ku tilmaamay warar…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 19, 2026, 11:59 am EAT
Reading Time: 5 mins read
Trump oo warbaahinta CNN iyo kuwa kale ka mamnuucay Aqalka Cad
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu si degdeg ah uga mamnuucayo Aqalka Cad saddex warbaahineed oo kala ah CNN, MS NOW iyo Politico, isagoo ku eedeeyay inay si joogto ah u baahiyaan waxa uu ku tilmaamay warar been abuur ah oo ku saabsan maamulkiisa.

Trump ayaa arrintan ku shaaciyay qoraal uu Jimcihii soo dhigay bartiisa Truth Social, isaga oo sheegay in saddexda hay’adood laga mamnuucayo Aqalka Cad “si degdeg ah”. Wuxuu sidoo kale sheegay in warbaahin kale ay tallaabadan ku xigi karto, balse uusan magacaabin hay’adaha kale ee uu ula jeedo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in go’aankiisu uu ka dhashay warbixinno uu ku tilmaamay “sheekooyin been abuur ah”, hase yeeshee qoraalkiisa kuma uusan xusin warbixin gaar ah oo uu ku saleeyay eedeymahaas. Markii dambe oo su’aalo lagu weydiiyay Xafiiska Oval-ka, Trump wuxuu sheegay in go’aanka uu ka dhashay warbixinno is-biirsaday oo uu sheegay inay socdeen muddo sannado ah.

CNN ayaa si adag uga hortimid tallaabada, iyadoo sheegtay inay difaacayso kooxda wariyeyaasha Aqalka Cad iyo xaqa ay u leedahay inay si madax-bannaan uga soo warbixiso dowladda. Politico ayaa iyaduna sheegtay inay sii wadi doonto warbixinta ku saabsan Aqalka Cad, isla markaana ay difaaci doonto xuquuqdeeda uu ilaalinayo Wax-ka-beddelka Koowaad ee Dastuurka Mareykanka.

MS NOW, oo hore loo oran jiray MSNBC, ayaa bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan goanka Trump. Dhanka kale, Ururka Wariyeyaasha Aqalka Cad ayaa sheegay inay garab taagan yihiin wariyeyaasha la bartilmaameedsaday, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in warbaahintu si madax-bannaan uga warbixiso howlaha dowladda.

Markii Trump ku dhawaaqay tallaabada, weli ma caddayn sida saxda ah ee mamnuucidda loo dhaqan-gelin doono ama haddii ay saameyn doonto aqoonsiyada wariyeyaasha, gelitaanka dhismaha Aqalka Cad iyo ka qeybgalka munaasabadaha madaxweynaha. Warbaahinno ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah wariyeyaasha CNN iyo Politico ay weli ku sugnaayeen xarunta Aqalka Cad wax yar kadib ku dhawaaqista.

Tallaabadan ayaa la filayaa inay dhaliso caqabado sharci, iyadoo ururrada u dooda xorriyadda saxaafadda ay ku doodeen in dowladda aysan warbaahinta xaddidi karin gelitanka goobaha rasmiga ah sababo la xiriira aragtida ama qaabka ay uga soo warbixiso maamulka.

Trump ayaa horey khilaafyo ula galay warbaahinno kale. Bishii Febraayo 2025, maamulkiisa ayaa xaddiday gelitaanka wariyeyaasha Associated Press ee qaar ka mid ah munaasabadaha Aqalka Cad, kadib muran ka dhashay magaca loo adeegsanayo Gacanka Mexico, iyadoo AP ay arrintaas maxkamad geysay.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in New York Times iyo Washington Post ay ka mid noqon karaan warbaahinta kale ee uu tallaabo ka qaadi karo, balse ilaa hadda ma jiro amar rasmi ah oo lagu xaqiijiyay in labadaas hay’adood laga mamnuucay Aqalka Cad.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Shirkii wadatashiga ee Xasan Sheekh oo dib u dhac ku yimid

Shirkii wadatashiga ee Xasan Sheekh oo dib u dhac ku yimid

4 hours ago
Imaaraadka oo la sheegay inuu Turkiga ka codsaday

Imaaraadka oo la sheegay inuu Turkiga ka codsaday

4 hours ago
Uganda oo beenisay warar sheegayay in askartiisa lagu dilay Somaaliya

Uganda oo beenisay warar sheegayay in askartiisa lagu dilay Somaaliya

4 hours ago
Trump oo sheegay in Sacuudiga uu “kala daadanayo,” kana codsaday

Trump oo sheegay in Sacuudiga uu “kala daadanayo,” kana codsaday

4 hours ago
Soomaaliya oo 2-0 ku lumisay ciyaartii Ghana ee isreebreebka Koobka Qaramada Afrika 2027

Soomaaliya oo 2-0 ku lumisay ciyaartii Ghana ee isreebreebka Koobka Qaramada Afrika 2027

22 hours ago
Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

Puntland oo ciidamo geysay deegaan ka tirsan gobolka Mudug

23 hours ago
Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,

Jubbaland oo diiday magacaabista agaasimaha Hay’adda Dakhliga Qaranka,

23 hours ago
Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo

Mas’uuliyiin ka tirsanaa wafdiga Soomaaliyeed oo lagu waayay Kosovo

23 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.