Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Lafta-gareen oo magacaabay xukuumad cusub oo Koonfur Galbeed ah

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa soo saaray wareegto uu ku sheegay inuu ku magacaabay xukuumad cusub oo ka kooban xubno loo kala xilsaaray wasaarado kala duwan.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 18, 2026, 11:40 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Lafta-gareen oo magacaabay xukuumad cusub oo Koonfur Galbeed ah
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa soo saaray wareegto uu ku sheegay inuu ku magacaabay xukuumad cusub oo ka kooban xubno loo kala xilsaaray wasaarado kala duwan.

Magacaabista ayaa timid xilli uu weli taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo ku saabsan hoggaanka Koonfur Galbeed, iyadoo maamulka cusub ee uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe uu leeyahay gole wasiirro shaqeynaya. Golaha Wasiirrada maamulka cusub ayaa bishii Luulyo yeeshay shirkiisii ugu horreeyay, waxaana lagu sheegay inuu diiradda saaray adeegyada bulshada iyo hawlaha maamulka.

Sida ku cad wareegtada Lafta-gareen, Xasan Cabdi Maxamed ayaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Koonfur Galbeed, halka Ilyaas Cali Nuur loo magacaabay Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga.

Cabdi Axmed Qaasim ayaa loo magacaabay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, halka Macallin Aadan Cali Arbow loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Ibraahim Aadan Cali Naja ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose, halka Maxamed Yuusuf Cali loo magacaabay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee maamulka uu Lafta-gareen hoggaamiyo.

Sidoo kale, Maxamed Ibraahim Cali ayaa loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, halka Xasan Cabdulaqaadir Maxamed loo magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu xusay Xasan Cabdinuur Albaro iyo Mustaf Axmed Idow, kuwaas oo Lafta-gareen u magacaabay xilal wasiirnimo, inkastoo faahfaahinta wasaaradaha loo kala xilsaaray aan si cad loogu sheegin xogta la helay.

Magacaabistan ayaa kusoo beegmaysa xilli Lafta-gareen, oo 30-kii Maarso xilka ka degay kadib isbeddelkii ka dhacay Baydhabo, uu weli sheeganayo inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Koonfur Galbeed. Dhanka kale, maamulka uu hoggaamiyo Aadan Madoobe ayaa wada howlo maamul iyo siyaasadeed oo ka socda Baydhabo.

Xaaladda ayaa sidaas ku sii kordhinaysa kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, iyadoo labada dhinac ay sheeganayaan sharciyad iyo awood maamul, halka magaalada Baydhabo ay weli tahay xarunta ugu weyn ee loollanka siyaasadeed ee labada dhinac.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

Dowladda Somaliya oo beenisay in la mamnucay safarada Imaradka

1 day ago
Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

Ciidamada Danab oo shegay inay dileen 21 xubnood oo Al-Shabaab ah

1 day ago
Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

Mucaaradka oo diiday dalab wadahadal oo uga yimid Madaxweyne Xasan Sheekh

1 day ago
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

Ra’iisul Wasaare Xamza oo Imaaraadka ku eedeyay dilka Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose

1 day ago
Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa  Muqdisho bishii Janaayo

Imaaraadka oo Soomaaliya eedeeyma u jeediyay, sheegayna inuu xiray safaaraddiisa Muqdisho bishii Janaayo

2 days ago
Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

Axmed Madoobe oo ka digay xalada dalka: “Xamar la iskuma aamin karo”

3 days ago
Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

Dagal ka dhacay Beledweyne oo khasare geystay, xaladduna weli kacsan tahay

3 days ago
Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

Cabdalla Cabdalla oo iska casilay xilkii boliska, kuna biiray mucaradka

3 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.