• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Ciidamo cusub oo lagu soo bandhigay Baydhaba xilli aay xiisad ka jirto

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
1 week ago
Reading Time: 3 mins read
Ciidamo cusub oo lagu soo bandhigay Baydhaba xilli aay xiisad ka jirto
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ku soo bandhigtay ciidamo cusub oo soo dhammaystay tababar muddo uga socday magaalada, iyadoo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu sheegay in ciidamadaasi loo diyaariyay gudashada waajibaadkooda qaran.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kormeeray ciidamada kadib markii ay soo gabagabeeyeen tababarkooda. Taliyaha ayaa sidoo kale ciidamada u jeediyay dardaaran ku saabsan waajibaadka iyo masuuliyadda ka saaran ilaalinta dalka.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Sahal Cabdullaahi ayaa warbixin ka dhageystay macallimiinta iyo saraakiisha gacanta ku hayay tababarka. Wuxuu wax ka weydiiyay noocyada tababarrada ay ciidamada qaateen iyo farsamooyinka milatari ee lagu baray muddadii ay tababarka ku jireen.

Taliyaha ayaa ciidamada ku bogaadiyay dadaalka ay muujiyeen, isagoo kula dardaarmay inay noqdaan kuwo daacad u ah qaranka, ilaaliya anshaxa ciidamada, isla markaana si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu tayeynayo ciidamada, iyadoo xoogga la saarayo tababarka, diyaar-garowga iyo sare u qaadista awoodda ciidamada si ay uga qeybqaataan howlaha amniga dalka.

Soo bandhigidda ciidamada cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli xaaladda amni ee Baydhaba ay weli tahay mid xasaasi ah, kadib xiisado u dhexeeyay ciidamada dowladda Federaalka iyo xoogag taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Xaaladda magaalada ayaa hadda deggan marka loo eego maalmihii hore, balse wararka ayaa sheegaya in ciidamada dhinacyadu ay weli isku horfadhiyaan qaar ka mid ah goobihii ay dhawaan isku dhaceen. Arrintaasi ayaa sare u qaadaysa walaaca laga qabo in dagaal kale uu dib uga qarxo magaalada.

Xiisadda Baydhaba ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa xilli la soo sheegay duqeymo dhinaca cirka ah oo ay qaar ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ka fuliyeen nawaaxiga magaalada, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxaha hubeysan, gaar ahaan Al-Shabaab, sida ay sheegeen ilo kala duwan.


Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.