Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saddex arday oo Soomaaliyeed oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aanka Kariimka ah oo dhawaan lagu qabtay dalka Qatar.
Tartanka ayaa waxaa ka qeybgalay 398 arday oo ka kala socday 20 dal, waxaana kaalinta koowaad galay Qaari Cabdiqani Cabdulqaadir Sheekh Xuseen. Kaalinta labaad waxaa galay Qaari Cabdiraxmaan Qaasim Maxamed, halka kaalinta saddexaad uu ku guuleystay Qaari Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud.
Ka qeybgalka saddexda arday ee Soomaaliyeed ayaa waxaa fududeysay hay’adda Qatar Charity, iyadoo guushooda ay noqotay mid si weyn loogu soo dhaweeyay gudaha Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa ardayda ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen tartanka, isagoo ku bogaadiyay dadaalka ay geliyeen xifdinta Qur’aanka Kariimka ah. Wuxuu sidoo kale kula dardaarmay inay aqoonta ay barteen la wadaagaan dadka kale, gaar ahaan inay ka qeybqaataan baridda Qur’aanka.
Xamza ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhiirrigelineyso barashada iyo xifdinta Qur’aanka Kariimka ah, isagoo saddexda arday u ballanqaaday inay heli doonaan waxbarasho bilaash ah.
“Waan idinku faaneynaa haddii aan nahay madaxda dowladda. In tartan caalami ah aad ka gasheen kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad waa arrin wanaagsan oo sharaf iyo karaamo u ah bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Wuxuu intaas ku daray in Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare lagu amri doono inay ardayda siiso fursad waxbarasho oo bilaash ah, sida loo sameeyay ardaydii kaalmaha hore ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee dalka.
Ballanqaadka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda ay sheegtay inay dhiirrigelineyso ardayda Soomaaliyeed ee guulo ka gaarta tartamada iyo imtixaannada heer qaran iyo heer caalami.
Saddexda arday ayaa guushooda ku soo kordhiyay sumcad iyo sharaf ay bulshada Soomaaliyeed ku faani karto, iyagoo kaalmaha hore ka galay tartan ay ka qeybqaateen boqolaal arday oo ka kala yimid dalal badan.
—







