Wararka24: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa laba boos oo dhul ah iyo dhisme guri ku wareejiyey Abwaan Mustafe Sheekh Cilmi, oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay.
Muungaab ayaa xalay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay abwaanka, iyadoo maamulka Gobolka Banaadir uu u sameeyay casho-sharaf ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, xildhibaanno, odayaal-dhaqameedyo, fanaaniin, abwaanno iyo marti-sharaf kale.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay leedahay in la aqoonsado lana dhiirrigeliyo hal-abuurayaasha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa suugaantooda uga qeyb qaata wacyigelinta bulshada, nabadda, wadajirka iyo horumarka dalka.
Muungaab ayaa Abwaan Mustafe Sheekh Cilmi ku wareejiyey dukumentiyada laba boos oo dhul ah oo ku yaalla degmada Xamarjajab, isagoo sheegay inuu sidoo kale maamulka Gobolka Banaadir u dhisayo guri ku habboon abwaanka.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay abaalmarin loo sameynayo abwaanka, isagoo xusay in guri Muqdisho looga dhisay xilligii dowladdii dhexe uu bililiqo ku dhacay sanadkii 1991, ka hor inta uusan dalka ka bixin.
Muungaab ayaa sheegay in uu wakiil ka yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre marka uu abwaanka ku wareejinayay dhulka. Wuxuu sheegay in maamulka uu doonayo in abwaanku tallaabadaas uga beddelo duco.
Tallaabadan ayaa sidoo kale kusoo beegmeysa xilli maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay inuu wado qorshayaal lagu horumarinayo Muqdisho, oo ay ku jiraan dib-u-habeyn iyo qurxinta waddooyinka iyo goobaha dadweynaha.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale horey u sheegay inuu taageero u fidinayo qoysaska ay saameeyeen mashaariicda dib-u-dhiska Iyo ballaarinta waddooyinka, iyadoo la doonayo in la isku waafajiyo horumarinta caasimadda iyo ilaalinta xuquuqda dadka.















