Wararka24: Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii diyaarad xamuul ah oo ay maamusho shirkadda 21 Air, isla markaana u shaqaynaysay Amazon Air, ay ku burburtay Garoonka Caalamiga ah ee Miami ee dalka Mareykanka.
Diyaaradda oo ahayd Boeing 767-300 ayaa shilka gashay wax yar ka hor 2:00 duhurnimo, xilli ay isku dayaysay inay degto. Waxay ka soo duushay Garoonka Caalamiga ah ee Luis Muñoz Marín ee magaalada San Juan, Puerto Rico, waxaana markii ay dhabaha ka baxday ay ku dhacday dhowr gaari oo ku dhowa goobta.

Duqa Miami-Dade, Daniella Levine Cava, ayaa xaqiijisay in shan qof ay ku dhinteen shilka, halka shan kale ay dhaawacmeen. Taliyaha Dab-damiska Miami, Raied Jadallah, ayaa sheegay in saddex ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladdoodu aad u daran tahay, dhammaantoodna loo qaaday isbitaallo.
Kooxaha gurmadka ayaa sheegay inay goobta gaareen wax yar kaddib markii shilku dhacay, iyadoo diyaaraddu dab qabsatay oo uu ka baxay qiiq badan. In ka badan 200 oo gaadiid dab-demis ah iyo gurmad ayaa ka qayb qaatay hawlgallada, waxaana dabkii la sheegay in la damiyay, inkastoo shidaal weli ka daadanayay diyaaradda.
Maamulka Duulista Hawada Federaalka Mareykanka (FAA) ayaa hakiyay duullimaadyadii garoonka kadib shilka, taasoo sababtay in duullimaadyo badan la baajiyo ama dib loo dhigo. Rakaab ku sugnaa garoonka ayaa sidoo kale sheegay inay jireen safaf dhaadheer iyo jahawareer ku yimid jadwalkii duullimaadyada.
Shirkadda Amazon ayaa sheegtay inay si dhow ula shaqaynayso mas’uuliyiinta iyo hay’adaha maxalliga ah si loo ogaado waxa sababay shilka. Diyaaradda waxaa maamushay 21 Air, oo ah shirkad duullimaadyo xamuul ah oo xarunteedu tahay gobolka North Carolina.
Sababta rasmiga ah ee shilka weli lama xaqiijin. Guddiga Qaranka ee Badbaadada Gaadiidka (NTSB) ayaa hoggaamin doona baaritaanka, iyadoo la filayo in la eego xaaladda diyaaradda, xogta duulimaadka iyo duruufihii jiray xilligii ay degaysay.
Xog laga helay FlightRadar24 ayaa muujisay in diyaaradda ay ku socotay xawaare sare xilli ay ka baxaysay qaybta dhabaha diyaaradaha. Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in xilliga shilka magaalada Miami ay ka jireen onkod-roobaadyo iyo dabaylo xooggan oo mararka qaar si lama filaan ah u kordhayay.
Shilkan ayaa dhacay xilli uu Maraykanka ka socday fasaxa Maalinta Shaqaalaha, oo ka mid ah waqtiyada ugu mashquulka badan safarrada hawada. Hay’adda TSA ayaa saadaalisay in malaayiin qof ay toddobaadkaas isticmaali doonaan garoomada diyaaradaha ee dalka.







