Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Shan qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Miami

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii diyaarad xamuul ah oo ay maamusho shirkadda 21 Air, isla markaana u shaqaynaysay Amazon Air, ay ku burburtay Garoonka Caalamiga ah ee Miami…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 7, 2026, 5:58 pm EAT
Reading Time: 5 mins read
Shan qof oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Miami
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii diyaarad xamuul ah oo ay maamusho shirkadda 21 Air, isla markaana u shaqaynaysay Amazon Air, ay ku burburtay Garoonka Caalamiga ah ee Miami ee dalka Mareykanka.

Diyaaradda oo ahayd Boeing 767-300 ayaa shilka gashay wax yar ka hor 2:00 duhurnimo, xilli ay isku dayaysay inay degto. Waxay ka soo duushay Garoonka Caalamiga ah ee Luis Muñoz Marín ee magaalada San Juan, Puerto Rico, waxaana markii ay dhabaha ka baxday ay ku dhacday dhowr gaari oo ku dhowa goobta.

Duqa Miami-Dade, Daniella Levine Cava, ayaa xaqiijisay in shan qof ay ku dhinteen shilka, halka shan kale ay dhaawacmeen. Taliyaha Dab-damiska Miami, Raied Jadallah, ayaa sheegay in saddex ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladdoodu aad u daran tahay, dhammaantoodna loo qaaday isbitaallo.

Kooxaha gurmadka ayaa sheegay inay goobta gaareen wax yar kaddib markii shilku dhacay, iyadoo diyaaraddu dab qabsatay oo uu ka baxay qiiq badan. In ka badan 200 oo gaadiid dab-demis ah iyo gurmad ayaa ka qayb qaatay hawlgallada, waxaana dabkii la sheegay in la damiyay, inkastoo shidaal weli ka daadanayay diyaaradda.

Maamulka Duulista Hawada Federaalka Mareykanka (FAA) ayaa hakiyay duullimaadyadii garoonka kadib shilka, taasoo sababtay in duullimaadyo badan la baajiyo ama dib loo dhigo. Rakaab ku sugnaa garoonka ayaa sidoo kale sheegay inay jireen safaf dhaadheer iyo jahawareer ku yimid jadwalkii duullimaadyada.

Shirkadda Amazon ayaa sheegtay inay si dhow ula shaqaynayso mas’uuliyiinta iyo hay’adaha maxalliga ah si loo ogaado waxa sababay shilka. Diyaaradda waxaa maamushay 21 Air, oo ah shirkad duullimaadyo xamuul ah oo xarunteedu tahay gobolka North Carolina.

Sababta rasmiga ah ee shilka weli lama xaqiijin. Guddiga Qaranka ee Badbaadada Gaadiidka (NTSB) ayaa hoggaamin doona baaritaanka, iyadoo la filayo in la eego xaaladda diyaaradda, xogta duulimaadka iyo duruufihii jiray xilligii ay degaysay.

Xog laga helay FlightRadar24 ayaa muujisay in diyaaradda ay ku socotay xawaare sare xilli ay ka baxaysay qaybta dhabaha diyaaradaha. Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in xilliga shilka magaalada Miami ay ka jireen onkod-roobaadyo iyo dabaylo xooggan oo mararka qaar si lama filaan ah u kordhayay.

Shilkan ayaa dhacay xilli uu Maraykanka ka socday fasaxa Maalinta Shaqaalaha, oo ka mid ah waqtiyada ugu mashquulka badan safarrada hawada. Hay’adda TSA ayaa saadaalisay in malaayiin qof ay toddobaadkaas isticmaali doonaan garoomada diyaaradaha ee dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

21 hours ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

22 hours ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

22 hours ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

23 hours ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.