Wararka24: Mid ka mid ah xildhibaannada haweenka ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ambalaas looga qaaday xarunta Villa Hargeysa, kaddib markii ay xanuunsatay iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
Guddoomiyaha ayaa arrintan ka sheegay kulan uu kaga hadlayay xaadiritaanka xildhibaannada iyo muhiimadda ay leedahay ka qaybgalka fadhiyada baarlamaanka. Wuxuu xusay in qaar ka mid ah xildhibaannada ay kulamada yimaadaan iyaga oo xanuunsan, halka kuwo kale oo caafimaad qaba ay ka baaqdaan fadhiyada joogtada ah.
Jaamac ayaa sheegay in xildhibaanadda xanuunsatay saaka ambalaas loogu qaaday xarunta si loogu fidiyo daryeel caafimaad. Wuxuu arrintan u adeegsaday tusaale ku saabsan sida ay lagama maarmaanka u tahay in xildhibaannadu gutaan waajibaadkooda, isla markaana loo siman yahay marka laga hadlayo isla xisaabtanka.
Guddoomiyuhu wuxuu caddeeyay in guddoonka Golaha Shacabka uu sii wadi doono jarista lacagaha laga jaro xildhibaannada ka maqnaada fadhiyada iyaga oo aan haysan cudurdaar waafaqsan xeerarka golaha. Wuxuu sheegay in tallaabadaasi ay khusayso dhammaan xildhibaannada, iyada oo aan loo eegin mushaharka ay qaataan.
“Saaka gabar baa halkan ambalaas looga qaaday, xildhibaan ah, nin gurigiisa ayuu jiifaa, waa jareynaa lacagta,” ayuu yiri Jaamac, isaga oo ku dooday in sharcigu u oggolaanayo guddoonka inuu tallaabo ka qaado xubnaha ka baaqda shaqada.
Dhanka kale, qaar ka mid ah xildhibaannada ayaa ka horyimid habka loo maray jarista lacagaha. Xildhibaan Yuusuf Gama’adiid ayaa sheegay in xildhibaannada qaarkood laga jaray lacag gaareysa $800, isaga oo sheegay inay taageersan yihiin isla xisaabtanka, balse ay dood ka qabaan habka loo fuliyay go’aanka.
“Isla xisaabtanka waan oggolnahay, laakiin qaabka loo maray ayaa qalad ah,” ayuu yiri Gama’adiid.
Doodda ku saabsan xaadiritaanka iyo ganaaxyada maaliyadeed ayaa sii xoogeysatay, iyadoo guddoonka baarlamaanku hore u sheegay inuu tallaabo ka qaadayo xildhibaannada ka maqnaada kulamada Golaha Shacabka. Arrintan ayaa dhalisay kala aragti duwanaansho ku saabsan sida loo xaqiijinayo isla xisaabtanka iyo xuquuqda xildhibaannada.














