Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo sii wada wax ka beddelka Dastuurka lagu muransan yahay

17-02-2026 Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan wadajir ah oo ay isugu imanayaan labada Aqal, kaas oo lagu sii amba-qaadayo wax ka beddelka Dastuurka KMG ah ee muranka xooggan ka taagan yahay.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 17, 2026, 10:21 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo sii wada wax ka beddelka Dastuurka lagu muransan yahay
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 17-02-2026 Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan wadajir ah oo ay isugu imanayaan labada Aqal, kaas oo lagu sii amba-qaadayo wax ka beddelka Dastuurka KMG ah ee muranka xooggan ka taagan yahay.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa xalay u diray farriimo wargelin ah mudaneyaasha labada Aqal, si ay uga soo qeybgalaan kulanka maanta oo qeyb ka ah dadaallada lagu dhammeystirayo dib-u-eegista dastuurka. Ajendaha kulanka ayaa ah marxaladda labaad ee ka doodista soo jeedimaha wax ka beddelka cutubyada 7-aad iyo 8-aad, gaar ahaan qodobbada 109–119 iyo 120–129.

Kulanka ayaa ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa, xilli Guddoonka Baarlamaanka oo ay gadaal ka riixeyso Villa Soomaaliya uu doonayo in wax ka beddelka dastuurka la dhameystiro ka hor furitaanka wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka. Kulamadii u dambeeyay ee Baarlamaanka ayaa ku dhammaaday buuq iyo diidmo ay muujiyeen qaar ka mid ah xildhibaannada.

Xiisadda ayaa sii korortay kadib markii Guddiga Dastuurka ee labada Aqal u kala jabay labo garab, iyadoo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Senator Cabdirisaaq Cismaan, iyo xubno kale ay ka horyimaadeen habka loo wado wax ka beddelka.

Arrimahan ayaa imanaya xilli madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ay Muqdisho u joogaan wada-hadallo lala yeelanayo Dowladda Federaalka, si xal looga gaaro muranka ka taagan hanaanka doorashada iyo dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa lagu wadaa inay maanta kulan qado ah ku yeeshaan hotelka Decale ee ku yaalla gudaha garoonka Muqdisho.

Doodda ugu weyn ayaa weli ka taagan halka lagu qabanayo wada-hadallada, iyadoo Villa Soomaaliya ay ku adkeysanayso in shirka lagu qabto Madaxtooyada, halka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay dalbanayaan in shirka lagu qabto gudaha xerada Xalane, arrintaas oo dib u dhigtay furitaanka wada-hadallada.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

18 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

19 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.