• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo sii wada wax ka beddelka Dastuurka lagu muransan yahay

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo sii wada wax ka beddelka Dastuurka lagu muransan yahay
Share

Wararka24: 17-02-2026 Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan wadajir ah oo ay isugu imanayaan labada Aqal, kaas oo lagu sii amba-qaadayo wax ka beddelka Dastuurka KMG ah ee muranka xooggan ka taagan yahay.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa xalay u diray farriimo wargelin ah mudaneyaasha labada Aqal, si ay uga soo qeybgalaan kulanka maanta oo qeyb ka ah dadaallada lagu dhammeystirayo dib-u-eegista dastuurka. Ajendaha kulanka ayaa ah marxaladda labaad ee ka doodista soo jeedimaha wax ka beddelka cutubyada 7-aad iyo 8-aad, gaar ahaan qodobbada 109–119 iyo 120–129.

Kulanka ayaa ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa, xilli Guddoonka Baarlamaanka oo ay gadaal ka riixeyso Villa Soomaaliya uu doonayo in wax ka beddelka dastuurka la dhameystiro ka hor furitaanka wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka. Kulamadii u dambeeyay ee Baarlamaanka ayaa ku dhammaaday buuq iyo diidmo ay muujiyeen qaar ka mid ah xildhibaannada.

Xiisadda ayaa sii korortay kadib markii Guddiga Dastuurka ee labada Aqal u kala jabay labo garab, iyadoo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga, Senator Cabdirisaaq Cismaan, iyo xubno kale ay ka horyimaadeen habka loo wado wax ka beddelka.

Arrimahan ayaa imanaya xilli madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ay Muqdisho u joogaan wada-hadallo lala yeelanayo Dowladda Federaalka, si xal looga gaaro muranka ka taagan hanaanka doorashada iyo dastuurka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda Golaha Mustaqbalka ayaa lagu wadaa inay maanta kulan qado ah ku yeeshaan hotelka Decale ee ku yaalla gudaha garoonka Muqdisho.

Doodda ugu weyn ayaa weli ka taagan halka lagu qabanayo wada-hadallada, iyadoo Villa Soomaaliya ay ku adkeysanayso in shirka lagu qabto Madaxtooyada, halka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay dalbanayaan in shirka lagu qabto gudaha xerada Xalane, arrintaas oo dib u dhigtay furitaanka wada-hadallada.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.