Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa beeniyey wararka sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay wada-hadal toos ah ama heshiis la gashay Al-Shabaab, isagoo sheegay inaysan jirin xiriir noocaas ah oo hadda u dhexeeya dowladda iyo kooxda.
Xamza ayaa arrintan kaga hadlay wareysi uu siiyey barnaamijka Miizaan Podcast ee Dawan Media, halkaas oo uu sheegay in mowqifka dowladda uu yahay in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab. Wuxuu sheegay in dowladda ay diyaar u tahay wada-hadal haddii xubnaha kooxda ay ka tanaasulaan fikirka iyo dagaalka hubeysan.
“Wada-hadal lama gelin, xiriirna nagama dhaxeeyo. Waxa naga dhexeeya waa xoreynta dalka,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu. Wuxuu intaas ku daray in dowladda aysan waligeed diidin wada-hadal lala yeesho cid doonaysa inay ka tanaasusho dagaalka.
Xamza ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha Al-Shabaab ay dib ugu soo laaban karaan bulshada Soomaaliyeed haddii ay joojiyaan dilalka iyo dagaalka ay kula jiraan dowladda. Wuxuu tilmaamay in marka ay qaataan waddadaas ay noqon karaan qayb ka mid ah bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa si gaar ah u sheegay inuusan asaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud midkoodna wada-hadal toos ah la yeelan Al-Shabaab. Hadalkan ayaa yimid iyadoo muddooyinkii dambe ay soo noqnoqdeen warar iyo eedeymo ku saabsan xiriirro ama wada-xaajoodyo qarsoodi ah oo la sheegay inay dhex mareen labada dhinac.
Eedeymaha la xiriira lacagaha amniga
Xamza ayaa sidoo kale beeniyey eedeymaha sheegaya in dowladda ay Al-Shabaab lacag siisay si loo yareeyo weerarrada ama loo helo xasillooni amni. Wuxuu sheegay inaysan jirin lacag dowladda ay kooxda siisay, inkastoo uu xusay inay jiraan dad faafinaya eedeymahaas oo dowladdu ka shakisan tahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.
Dowladda federaalka ayaa weli sheegaysa in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu yahay mid ka mid ah mudnaanta ugu waaweyn ee amniga. Dhanka kale, hadalka Xamza wuxuu muujinayaa in dowladda ay kala saareyso dagaalka ay kula jirto kooxda iyo suurtagalnimada wada-hadal lala yeesho xubno ka tanaasula fikirka iyo dagaalka hubeysan.









