• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Weerar madaafiic ku billowday oo ka dhacay Baydhaba

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Weerar madaafiic ku billowday oo ka dhacay Baydhaba
Share

Wararka24: Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xalay ka dhacay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kaas oo ku billowday madaafiic, kadibna isu beddelay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee maamulkaas, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, weerarka ayaa saqdii dhexe laga soo qaaday dhanka waqooyi ee magaalada, waxaana lagu beegsaday saldhig ay ciidamada Gorgor iyo Booliska Militariga ku leeyihiin xaafadda Alfaras ee laanta Horseed.

Dagaalka ayaa socday ku dhowaad hal saac, iyadoo la isku adeegsaday hub culus iyo mid fudud. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in iska horimaadku sababay dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli la shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha soo gaaray dhinacyadii dagaallamay.

Sidoo kale, ilo caafimaad ayaa sheegay in dad rayid ah, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ay ku dhaawacmeen dagaalka, isla markaana loo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Baydhaba si loogu dabiibo dhaawacyadooda.

Xaaladda magaalada ayaa saaka deggan, hase yeeshee weli ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka Koonfur Galbeed oo ku saabsan weerarka iyo khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada weerarka qaaday ayaa la sheegay inay muddooyinkii u dambeeyay isku abaabulayeen deegaanno ku dhow Baydhaba, halkaas oo ay marar kala duwan kasoo qaadeen weerarro iyo falal amni darro, kuwaas oo sida la sheegay ay ka hortageen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli dhowaan magaalada Baydhaba lagu caleema saaray hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo ku guuleystay doorashadii madaxtinnimada maamulkaasi.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.