Wararka24: 12-02-2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha qaranka kaddib guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya ku hanatay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika muddada 2026-2028.
Madaxweynaha ayaa sheegay in guushani ay astaan u tahay horumarka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo soo kabashada doorka hoggaamineed ee dalka ee heer qaaradeed iyo caalami.
Wuxuu ammaanay shaqada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, isagoo xusay in kalsoonida ay dalalka Afrika u muujiyeen Soomaaliya ay muujinayso isbeddelka togan ee dalka ka socda iyo xiriirrada iskaashi ee sii xoogeysanaya.
“Horey waxaan xubin uga noqonay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, maanta-na waxaan fadhinnaa Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay dhammaan dalalkii taageeray una codeeyay Soomaaliya, isagoo sheegay in guushan ay ka tarjumeyso wadajir, saaxiibtinimo iyo aragti mideysan oo ku aaddan Afrika nabad ah, xasilloon, isla markaana horumar leh.


















