• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Somaliland oo si rasmi ah u soo dhaweysay go’aanka Fahiima Quuje

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 3 mins read
Somaliland oo si rasmi ah u soo dhaweysay go’aanka Fahiima Quuje
Share

Wararka24: Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah u soo dhaweysay go’aanka Fahiima Yuusuf Cabdillaahi (Quuje), oo hore uga tirsanaan jirtay Baarlamaanka Waqooyi Bari, kadib markii ay ku dhawaaqday inay ka tanaasushay aragtidii Soomaali-weyn, isla markaana ay sheegtay inay ku biirtay qaddiyadda Somaliland.

Wasiirka Horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland, Maxamed Cabdimaalik, ayaa sheegay in Fahiima Quuje ay qaadatay go’aan ay si madax-bannaan u gaartay, isagoo tilmaamay inay dib ugu soo laabatay Somaliland. Wasiirku wuxuu ku sifeeyay Fahiima siyaasi miisaan leh, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay inay dib ula midowdo dadkeeda iyo deegaannada Somaliland.

“Waxa kusoo oodantay siyaasaddii ay ku jirtay, waxayna doonaysaa siyaasad ballaadhan. Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inay Somaliland kusoo guryo noqoto, oo ay dadkeedii iyo dalkeedii la midowdo. Waxay qaaday tallaabo aad u weyn,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdimaalik.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inaan cidna lagu khasbin go’aanka ay Fahiima qaadatay, balse uu yahay mid ka dhashay wadatashi iyo go’aan ay iyadu iskeed u gaartay. Wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay soo dhaweynayso cid kasta oo dooneysa inay ku soo biirto, isagoo xusay in xaaladda amni ee deegaannada bariga ay tahay mid deggan.

Dhanka kale, Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay dhowaan soo dhaweysay siyaasiyiin iyo cuqaal ka yimid magaalada Laascaanood, kuwaas oo uu sheegay inay ku biireen dhinaca Somaliland.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli Xeer Ilaalinta Waqooyi Bari ay baarlamaanka maamulkaas ka codsatay in xasaanadda laga qaado Fahiima Quuje si baaritaan loogu sameeyo eedo la xiriira hadalladeeda siyaasadeed.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegayay inay ku sugan tahay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo hore u shaacisay inay u sii gudbi doonto magaalada Hargeysa.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.