• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Somaliland Oo Beenisay War Telefishinka Al Arabiya Ka Baahisay Gobolka Awdal

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
8 months ago
Reading Time: 2 mins read
Somaliland Oo Beenisay War Telefishinka Al Arabiya Ka Baahisay Gobolka Awdal
Share

Wararka24: 26-01-2026 Somaliland ayaa si rasmi ah u beenisay warbixin uu baahiyay telefishinka Al Arabiya, taas oo lagu sheegay in ciidamo ka yimid meelo kale ay ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan gobolka Awdal, iyadoo warbixintaas ku tilmaantay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu caddeeyay in guud ahaan gobolka Awdal uu hoos yimaado maamulka Somaliland, isla markaana amniga deegaannadaas ay si buuxda u sugayaan ciidamada qaranka Somaliland.

Wasaaraddu waxay sheegtay inaysan jirin wax ciidamo shisheeye ama xoogag kale oo ka hawlgala gobolka, iyadoo ku tilmaantay wararkaasi kuwo marin habaabin ah oo aan waafaqsanayn xaqiiqda ka jirta dhulka.

Beeninta Somaliland ayaa timid kadib markii Al Arabiya ay sidoo kale tabisay in maalmo xiriir ah ay ka jireen iska horimaadyo hubeysan gudaha gobolka Awdal, kuwaas oo ay sheegtay inay u dhexeeyaan dhinacyo isku haya aragtiyo siyaasadeed oo kala duwan.

Gobolka Awdal, oo hore loogu yaqaani mid ka mid ah deegaannada ugu xasilloon waqooyiga Soomaaliya, ayaa bilihii la soo dhaafay wajahaya xiisado amni iyo ku siyaasadeed oo isa soo taraya, kuwaas oo abuuray walaac ku saabsan mustaqbalka xasilloonida deegaanka.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku celcelisay inay si adag uga soo horjeeddo tallaabo kasta oo ay ku tilmaantay mid wax u dhimaysa midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalka somaaliya, iyadoo hoosta ka xarriiqday in xal waara oo lagu maareeyo khilaafaadka siyaasadeed uu ku imaan karo oo kaliya wada-hadal ku dhisan dastuurka iyo is-afgarad qaran.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.