• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Puntland oo fulisay xukun qisaas ah oo lagu riday ninkii dilay taliye Guleed Kadleeye

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Puntland oo fulisay xukun qisaas ah oo lagu riday ninkii dilay taliye Guleed Kadleeye
Share

Wararka24: Maamulka Puntland ayaa saaka degmada Jariiban ee gobolka Mudug ka fuliyay xukun qisaas ah oo lagu riday Ibraahim Kooshin, kaas oo lagu helay dilka Allaha u naxariistee Taliyihii Saldhigga Booliiska degmada Jariiban, Gaashaanle Guuleed Cabdulqaadir Kadleeye.

Xukunka ayaa la fuliyay kaddib markii uu soo maray heerarkii kala duwanaa ee garsoorka, iyadoo la sheegay in qoysaska marxuumka iyo eedeysanaha ay isku afgarteen fulinta qisaasta sida uu dhigayo sharciga.

Ibraahim Kooshin ayaa ciidamada ammaanku qabteen saacado yar kaddib dilka taliyaha. Baaritaanno iyo dacwad maxkamadeed kaddib, maxkamadaha Puntland ayaa ku xukumay dil qisaas ah, kaas oo maanta si rasmi ah looga fuliyay degmada Jariiban.

Qoyska marxuum Guuleed Kadleeye ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin caddaaladda lagu maareeyay kiiska, iyagoo xusay in fulinta xukunku ay ka qeyb qaadaneyso xaqiijinta caddaaladda iyo ka hortagga falalka dilalka ah. Waxay sidoo kale ugu baaqeen hay’adaha ammaanka iyo garsoorka in si degdeg ah sharciga loo horkeeno cid kasta oo lagu eedeeyo dambiyo culus.

Waxay sidoo kale u mahadceliyeen ciidamada ammaanka Puntland oo si dhaqso ah u qabtay eedeysanaha, inkastoo la sheegay inuu isku dayay inuu baxsado markii uu falka geystay.

Marxuum Gaashaanle Guuleed Cabdulqaadir Kadleeye ayaa ka mid ahaa saraakiishii tababarka ku soo qaatay dalka Turkiga, waxaana muddooyinkii u dambeeyay uu ka shaqeynayay sugidda amniga degmada Jariiban iyo la dagaallanka hubka sharci darrada ah.

Fulinta xukunkan ayaa kusoo beegmaysa xilli Puntland ay sheegtay inay sii xoojinayso tallaabooyinka lagula dagaallamayo dambiyada culus, iyadoo mas’uuliyiinta ammaanku ay ku celceliyeen in cid kasta oo ku lug yeelata falal amni-darro ah la horgeyn doono caddaaladda.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.