Wararka24: Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ibraahim Kalaay, oo ay ku tilmaantay guddoomiyihii hore ee deegaanka Awdiinle ee gobolka Baay, iyo ku dhowaad 150 maleeshiyaad ah ay isku soo dhiibeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
Qoraal ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in kooxda isu soo dhiibtay ay ciidamada ku wareejiyeen hub iyo gaadiid dagaal, kaddib markii ay ka tanaasuleen dhaq-dhaqaaqyadoodii hubeysnaa. Wasaaraddu waxay sheegtay in maleeshiyaadkan ay hore uga tirsanaayeen koox uu hoggaaminayo Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo, sida ay sheegtay, maalmihii u dambeeyay falal amni-darro ah ka waday deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, Ibraahim Kalaay iyo maleeshiyaadka la socday ayaa waqtiyo kala duwan oo maanta ah isku soo dhiibay ciidamada dowladda, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilinta deegaannada ay saameeyeen colaadaha.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay inay socdaan dadaallo lagu dhiirrigelinayo maleeshiyaad kale inay hubka dhigaan oo ay isku soo dhiibaan dowladda, si ay uga qeyb qaataan dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta deegaannada Koonfur Galbeed.
Ugu dambeyn, wasaaraddu waxay ugu baaqday xubnaha weli ku jira kooxaha hubeysan inay ka faa’iideystaan fursadda dib ugu soo laabashada bulshada, iyadoo adkeysay in dowladda aysan aqbali doonin hub sharci darro ah oo lagu carqaladeeyo amniga iyo xasilloonida dalka.
Soomaaliya iyo Koonfurta Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga + sawiro
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xarunta wasaaradda kulan...















