Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Guddoomiyihii Hore ee Awdiinle iyo Ku Dhowaad 150 Maleeshiyaad ah oo Isu Soo Dhiibay Dowladda

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ibraahim Kalaay, oo ay ku tilmaantay guddoomiyihii hore ee deegaanka Awdiinle ee gobolka Baay, iyo ku dhowaad 150 maleeshiyaad ah ay isku soo dhiibeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 23, 2026, 2:51 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Guddoomiyihii Hore ee Awdiinle iyo Ku Dhowaad 150 Maleeshiyaad ah oo Isu Soo Dhiibay Dowladda
Share

Wararka24: Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ibraahim Kalaay, oo ay ku tilmaantay guddoomiyihii hore ee deegaanka Awdiinle ee gobolka Baay, iyo ku dhowaad 150 maleeshiyaad ah ay isku soo dhiibeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
‎
‎Qoraal ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in kooxda isu soo dhiibtay ay ciidamada ku wareejiyeen hub iyo gaadiid dagaal, kaddib markii ay ka tanaasuleen dhaq-dhaqaaqyadoodii hubeysnaa. Wasaaraddu waxay sheegtay in maleeshiyaadkan ay hore uga tirsanaayeen koox uu hoggaaminayo Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo, sida ay sheegtay, maalmihii u dambeeyay falal amni-darro ah ka waday deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed.
‎
‎Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, Ibraahim Kalaay iyo maleeshiyaadka la socday ayaa waqtiyo kala duwan oo maanta ah isku soo dhiibay ciidamada dowladda, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilinta deegaannada ay saameeyeen colaadaha.
‎
‎Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegtay inay socdaan dadaallo lagu dhiirrigelinayo maleeshiyaad kale inay hubka dhigaan oo ay isku soo dhiibaan dowladda, si ay uga qeyb qaataan dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta deegaannada Koonfur Galbeed.
‎
‎Ugu dambeyn, wasaaraddu waxay ugu baaqday xubnaha weli ku jira kooxaha hubeysan inay ka faa’iideystaan fursadda dib ugu soo laabashada bulshada, iyadoo adkeysay in dowladda aysan aqbali doonin hub sharci darro ah oo lagu carqaladeeyo amniga iyo xasilloonida dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

17 hours ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

2 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

3 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

3 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

4 days ago
Mareykanka oo diblomaasiyiin kala baxaya Sacuudi Carabiya

Mareykanka oo diblomaasiyiin kala baxaya Sacuudi Carabiya

4 days ago
Duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday ciidanka Lafta-gareen

Duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday ciidanka Lafta-gareen

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.