Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Farmaajo oo Puntland iyo Jubbaland ugu Baaqay Fariin cajiib ah + Sababta

Muqdisho - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta soo saaray bayaan uu ku taageerayo shirka wadatashiga qaranka ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ugu baaqay Puntland iyo Jubbaland in ay ka qeybgalaan…

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
June 2, 2025, 11:24 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Farmaajo
Share

Farmaajo

Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta soo saaray bayaan uu ku taageerayo shirka wadatashiga qaranka ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ugu baaqay Puntland iyo Jubbaland in ay ka qeybgalaan shirka.

War-saxaafadeedka ayaa ku soo beegmay xilli la diyaarinayo shirka 15-ka June ee Muqdisho ka dhacaya. Shirka ayaa looga hadlaya habka doorashada, arrimaha amniga iyo qodobada dastuurka.

“Waxaan soo dhaweynayaa muddaynta gogosha uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan in wadatashi Qaran laga yeesho arrimaha masiiriga ah ee dalka,

kuwaas oo ay ugu horreeyaan doorashada, amniga iyo Dastuurka,” ayuu qoray Farmaajo.

Labada maamul ee waqooyi-bari iyo koonfurta ayaa ka maqnaa kulamadii hore ee dawladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Hoggaamiyayaashoodu waxay ka walaacsan yihiin habka dawladda federaalka ula dhaqanto madax-bannaanida gobolka.

Farmaajo ayaa ku adkeeyay in ka qeybgalka dhammaystiran ee goboladu uu muhiim u yahay natiijooyin wax ku ool ah.

Si gogoshan ay miro dhal u noqoto, waxaan adkaynayaa baaqyaga ku aaddan in si dhammaystiran ay uga soo qeyb-galaan Madaxda Dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland,” ayuu ku daray.

Madaxweynihii hore ayaa talooyin gaar ah u soo jeediyay maamulka hadda jira. Bayaankiisa ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku baaqay “in uu ka laabto tallaabooyinka halka dhinac ee khilaafku ka taagan yahay.”

Waxa uu tilmaamay dhowr arrimood oo dib u eegis u baahan. Kuwaas waxaa ka mid ah wax ka bedelka dastuurka lagu sameeyay xilliga doorashada hadda so socota,

shaqada xeerarka iyo guddiyada doorashada oo aan la dhammeystirin, iyo burburinta Golaha Wadatashiga Qaranka.

“Arrinkaas oo caqabad ku noqonaya dowlad-dhiska iyo wadashaqeynta heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed,” ayuu farmajo yidhi

Shirka wadatashiga ee la filayo bishii June dhexdeeda ayaa imanaya xilli xiisado ka dhexeeya Muqdisho iyo gobolada qaarkood. Puntland iyo Jubbaland midkoodna ma xaqiijin ka qeybgalka shirka soo socda.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

1 day ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

1 day ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.