Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo ka dhan ah shirkado iyo shaqsiyaad lagu eedeeyay inay si sharci darro ah uga faa’iideysanayaan kheyraadka macdanta. Go’aankan ayaa yimid xilli ay kordheen cabashooyinka la xiriira qodista iyo dhoofinta macdanta ee aan waafaqsanayn shuruucda dalka.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Daahir Shire Maxamed ayaa sheegay in dalka uu leeyahay kheyraad macdan oo ballaaran, balse ay jiraan falal sharci darro ah oo si joogto ah u socda. Wuxuu xusay in dowladdu ay waddo qorshe lagu aqoonsanayo cid kasta oo ku lug leh howlahan.
Wasiirka ayaa tilmaamay in macdan, gaar ahaan dahab, si sharci darro ah looga dhoofiyay dalka sanadihii la soo dhaafay, taas oo lagu qiyaasay boqolaal milyan oo doolar. Wuxuu arrintan ku tilmaamay mid si weyn u saameyneysa dhaqaalaha iyo horumarka dalka.
Sidoo kale, wuxuu muujiyay walaac ku saabsan shirkado iyo shaqsiyaad si qarsoodi ah uga faa’iideysanaya macdanta, isagoo xusay in qaar ka mid ah howlahan ay ka dhacaan deegaanno ay bulshada deegaanka ku lug leeyihiin. Macdantaas ayaa inta badan lagu kala iibsadaa suuqyo hoose oo aan la diiwaan gelin.
Mas’uulku wuxuu sheegay in falalkan ay ka jiraan gobollo ay ka mid yihiin Sanaag, Bari iyo Awdal, halkaas oo warbixino hore laga diyaariyay. Wuxuu qiray in dowladda aysan weli si buuxda u gaari karin dhammaan goobaha macdanta laga qodo.
Wasiirku wuxuu qiray in dowladda aysan weli si buuxda u gaari karin dhammaan goobaha laga qodayo macdanta. Wuxuuna intaas ku daray in sharci cusub oo lagu maareynayo kheyraadka macdanta uu marayo heer gabagabo ah, isla markaana la filayo inuu dhaqan galo marka uu saxiixo
Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in sharci cusub oo lagu maareynayo kheyraadka macdanta uu marayo heer gabagabo ah. Sharcigan ayaa la filayaa inuu xoojiyo awoodda dowladda ee la dagaallanka macdanta sharci darrada ah iyo ilaalinta kheyraadka dalka.


















